qisojaceel

Image

Image
m

Tuesday, November 30, 2010

hoow shaan la wada qaban hore uma dhamaatee


qiso jacel

hoow shaan la wada qaban hore uma dhamaatee.
hoobaan la moodyoow libin haleelnee ,
hafeefta cishqi soo marnee Aan hanbalyeeynee
Hibasho soo dhaaf Hadaan is helnay caawa
macaane dhinacayga waad iga heli jaceel dhameeystiran

macaanoow aduunyada adaan kaa ishaartoo


qiso jacel

macaanoow aduunyada
adaan kaa ishaartoo dookhaygii baad tahay
qalbiga iyo laabtaba
adigaa dhex jiifoo
dhuuniga macunikaro
maqalka iyo aragaba
hooy baad ku leedahay 
cidaan kugu masaalaa
cayniga ma saarine
cawa dhalad inaad tahay
ciidna maba suaaline

Mustaqbalkeygii Ma Sidaanba u dambeysay(qeybtii 4 )


qiso jacel
 Markii ayaan waxaan wacay gabadhii aan teleefoonka iska baranay si aan u ogaysiiyo in aan soo baxay oo meeshii ballanta ugu wada kulanno, Sidii ayey ku soo baxday anna aan ku soo baxay Aniga waxaan soo raacay baabuur, anigoo saaran gaariga ayaan waxan bilaabay in aan kaligey isla hadlo anigoo dhahay, Tolow maxay noqon kartaa gabadha aad maanta u socota ?!!!!!!,
(lasoco qeybta 5 ad )

Ma ogtahay hankay giyo Hanaqiyo wadnaha

qiso jceel
Ma ogtahay hankay giyo
Hanaqiyo wadnaha
Adigaa hurdoo
Ka dhex heesayoo
waxaad tahay hugii
dhaxan iga hayee
hanaan quruxsanoow
hamigeeyga helay

Monday, November 29, 2010

ilwaadey adigaa halbawlaha abaaroo

qiso jaceel
ilwaadey adigaa
halbawlaha abaaroo
iliilaha wadnaha iyo
inta dhiiga qaadiyo
agagaarka beerkiyo
uurkaad ku taalaa
afkan amaaney iyo
naftan wey u daran
iyadaa u wehelee
igu sin allahayO
adigaa awoodeYO

Nin jaceel wareemayoo Waagii guduutaba

qisojaceel
Nin jaceel wareemayoo
Waagii guduutaba
Wayeey tuu jaclaayoo
dadka waydiiyabaan ahay
Qofkii aan wareeystaba
Aniguun I walaashaa
Wali igu tilmaam
Walwal igu abuuraa
Aniguna warkoodii
Wacdi uma dhagtagoo
Wabiyada dulhaamiyo
Shinbiraahan wareestaa
Ala waayeey walbahaareey
Murugtiisa caashaqa

Yaan ka weheshaadaa

 

hoodiyo nasiibiyo hor alaan adeegsaday

qiso jaceel
hoodiyo nasiibiyo
hor alaan adeegsaday
hanfadoo habeenkii
hambalyada jacalkaa
hurdo iga ka xeeysoo
heesaha macaanee
hobalada onkadayaa
heelada ku tirayaan
haybshaa habeenkii
macaan waxaan ku leeyahay
helistaadu waa dahab

Markaad libin haleeshee ruuxa loo han weyn yahay


qiso jaceel
 Markaad libin haleeshee
ruuxa loo han weyn yahay
hareer taada joogoo
hagarlida sheekada
haa saawe qaaliye
hanbalyo isu dhiibtaan
hilinkiisa caashaqa
huga sare u qaadan
hubaal la isu dhaafsado
hadii caashaq hony yahay
hadaf keena waan heli

waxaan hada iyo jeer habeen iyo dharaar

qiso jaceel
waxaan hada iyo jeer
habeen iyo dharaar
hadaan heli karaayo
haakah oran lahaa
adigoo horteeyda iyo
harreertayda joogee
boqorkii naftaydow
barikasta bidhaantada
wan u baahanahay
659 Qiso jecel

Miyaa ciil loo dhintaa Miyaa cadho lalatagaa

asxbata aqrineyso ayaan ugu tala galay in aay dhaga ugu
sii raxeyaayn

qiso jacel
Miyaa ciil loo dhintaa
Miyaa cadho lalatagaa
Miyaa camal loo go’aa
Nasteexo miyaa la ceershaa
Miyaa cadow loo jabshaa
Ruuxaad calmatee jecelaatay
Dunida uga caaganaatidi
Nafteeda iyadaan canaadin
Ma inay kugu caasidaa.,>

waxaad tahay Ubax soo baxaayo


qiso jaceel
waxaad tahay Ubax soo baxaayo
indhahayga nuurkiyo arageeyga deeqoo
inta aynigaaga ah ogoow waad u sidataa
intaan duni ku noolaa gabadh macaaney
ma arkin mana daawan wali maysan dhalan
ilkaahaga siman ee afka Quruxda loo saray
dibnahagan baashad ku wacan best lips
indhahagan blue ga ah suniyaha saran
markaan aan ku fiirshaan ma looshan iqabta
iyo qaarkaloobadan aan afkaygu soo qaban
 

mudo badan ayaan waday


qiso jaceel
 mudo badan ayaan waday
maweelada naftaadoon
kuu miraayey hadalkoo
si aan ku maqsuudiyo
meer meerinaayee

anoo moodey xaajadu
meel wacan inay maraysoo
meher kaliya noo hadhay
ayaad muran ka daartood
macsalaama igu tidhi
kamanaan mutaysan
axdi aad u meel dayin
waxaa dhaantamay adi

filanmayn maryaney
marna kaama filanayn
inaad maya ileedahay walow
maanta aad tidhi isma naqaan
hadaad mooday caashaqu
maalmo qudha inuu yahay
micnihiisa maad garan
maweeliyo cayaar baad
moodeysaa adiguye

intuusani iigu maaxane
micida igu adkeysan
mahadhadiisa igu badan
mid kalaan la haystaa
marna imaadan odhanine

uurkoo mayidaad afka
malaha kayeesho
isukey macaysee
murugaan ihayniyo
mushkilo igu abuurtee
misna muranka daartood
macsalama igu tidhi
kamanaan mutaysan
axdi aad u meel dayan
waxa dhaantamay adi

filanmayn maryaney
marna kaman filanayn
inaad maya ileedahay walow
maanta aad tidhi isma naqaan
hadaad mooday caashaqu
maalmo qudha inuu yahay
micnihiisa maad garan
maweeliyo cayaar baad
moodeysaa adiguye

aragtidaadii cashaq soow imuu helin


qisojaceel
 aragtidaadii cashaq soow imuu helin
sahwi igu abuurmoo seedaha jirkiyagiyo
saameey oogada sow daris lamaan noqon
sadiriga iyo laabtana jaceel sahal umuu dagin
safka aynigaagiyo kaa soocday dumarkoo
sare weeye dookhiye saatir ha isku keen simo

dhalaan sabi lamoodyey dheehaaga wacaan baa

qiso jaceel
dhalaan sabi lamoodyey
dheehaaga wacaan baa
igu dhaliyaay caashaqa
dhayal ha u malaynine
dhabarka iyo laabtaba
adigaa dhex jiifoo
dhuuniga ma cunikaro
dhanka aad xigtaaban
dhidibada u aastaa
dhaayaha ku fiirshaa
 




Sunday, November 28, 2010

Sida ubax dhalaal badan dhaayahaygu kuu jecel

qisojaceel.blogspot.com
Sida ubax dhalaal badan
dhaayahaygu kuu jecel
wax dhantaala quruxdoo
dhagtu diido ha oran
dhamaantii jacaylka
sidii shiikh cilmiga dhiga
ayaan kuu dhagaysataa
dhadhami Raaqiyo caashaqa
dhadhami Ruuxii dhabkuu dhibta looma quuree,
Yaa halaa Yaah ahaal ila soco

Mustaqbalkeygii Ma Sidaanba u dambeysay (qeybii 3)

Mustaqbalkeygii Ma Sidaanba u dambeysay (q3)

qisojaceel.blogspot.com
Markaas ayaan ku dhahay "Abaayo ma laga yaaba in aan maro waddadii uu maray Saaxiibkaa hore?, Intay qosol la dhacday ayey igu tiri "Taa laga ma yaabo in ay dhacdo maxaa yeelay Adiga iyo Isaga isku mid ma tihiin isagu waa nin mukhadaraad isticmaalo, Iyadoo intaa noo mareyso ayaan ku dhahay "Macaanto hadda aniga iyo adiga isma aan Arag laakiin waxaan anigu qabaa in haddii aynu is aragno ay sheekadu intaa ka sii ballaaran doonto ee goorma ayaan is aragnaa oo aan aniga iyo adiga kullanaa?:
lasocoq(q4)

Mustaqbalkeygii Ma Sidaanba u dambeysay (q:2)


Mustaqbalkeygii Ma Sidaanba u dambeysay (q2)
Macaaney AbaayooyWaxaan Doonayaa in aan


Meel wax kula dhigo
Oo Aad xaaskeyga Noqoto
Haddu Alle Idmo
Inaan ku quruxsadoo
Asaaga u qurxoonaataa
Qalbigeyga ku taal
Ee Go’aan ma ila qaaadan
Mise waad i khilaaftay
MARKAAS AYEY IIGU JAWAABTAY IYADANA
Ana inaan naawilo caashaqa
Nuxurkiisa kula maalo
Nabsi inaanan kaa galin
Yaan kuu nisbeynayaa
Niyadda taa u sheeg
Nasiibkeynaan sugeynaa
Laabta taa ku naaxilasoco((q:2) 

Mustaqbalkeygii Ma Sidaanba u dambeysay(q:1)


Mustaqbalkeygii Ma Sidaanba u dambeysay (q:1)
Akhristayaal waxaan halkaan idiin kaga soo gudbineynaa qiso dhab ah oo ku dhacday wiil Somaliyeed oo degan Xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho , Wiilkaas oo lagu magacaabo Xasan Cali, Xasan waxaa uu iga codsaday anigoo ah Qoraga Bagan Inaan ka qoro Qisadaan la yaabka leh ee ku dhacday isaga oo isla markaana uu ii sheegay in uu qarsan waayey qisadaan xanuunka badan ee ku dhacday maadaama ay tahay qiso la yareysay adduunka oo idil

 lasocoq:2(qisojaceel) 

Saturday, November 20, 2010

IBNI AADAM IS WAAYAY ARINAA KALA GEYSAY

IBNI AADAM IS WAAYAY ARINAA KALA GEYSAY

Kor dahab maadhiin ah malab la miiray iyo canbar la shubay ayey aheyd,jiija labeen ku kor ah ayey aheyd,marbaan arkay horeyna iima soo jiidan muuqaalkeeda mid la mid ah, malaa,i ktay qurux wadaag latahay sidii cosob doox dushii ka baxay ama laan dhabi ah oo dur dur Alle ka abuuray ayey leexada dabeyluhu kolba gees u ruxayaan, timo yix xariira aad moodid, labxo xardhan dhex madag ah midab mas ciideeda iyo muusood cadceed soo baxa ayey igu qaabishay, qalbigaa dhoola cadeeyey ilmo farxad ahaana sii daayey, dhidid shax iga sooyiri, xakamaha dareen wadaha ayaa iga xoog badiyey goor aanan ogeyn ayaan hab siiyey dushana saartay Alaabtiina u qaaday shinbiraha i dul heehaabaya ayaa ka maseeray dulsidkii geenyadan eebba uumay korbaan u fiiriyey indhaha kaga bogo ayaan damcay, waxaa ay igu jaleecday indho jano, illaah ayaa u dhameeyey qurux waxaa si aan dareen laheyn uga soo daatay ilmo faxna ku yiri laabteyda kuna tifiqday wadnaha dacalkiisa bidix,waxaana uu ku sigtay in uu joojiyo howshiisa si uu umudsado dhibcaha qabow ee ku soo tifqaya, marba god ayaan ku duldhacaa anoo dahabna dusha ku sita, dadku ilama wadaago mana heystaan lamaanahan oo kale, kalidey ayaa nasiib u yeeshay, jiif iyo joogba waan hareer fadhiyaa marka ay isoo jaleecdo bogaan ka ilmeeyaa biyo raxmada ah ayaa iga soo durdura hoos iyo hadh lafariiso ayaan ku taamaa, balaayo dhanbaa hareer mariyaa,uma baahni dhalaalka xidigaha cirka iyo biligta gaara bidhaanta,caddo iyo iftiin iyadaa ii ah markaan madow dareemo dhoola cadeynteedaan raadiyaa markaan wallaac isaaqana jaleecideeda ayaa ayaa ka hor istaagta garaaca wadnaha.wadnahayga madadaalo iyo maadeys iyada ayaa u ah, sidaa ayaan ku barinaa kuna soo bariisanaa. maanan fileyn in ay qoraxdo dhacdo maalintana habeen badalo, markii la kala yaacay midba meel dantu ka tuurtay, dadkuna dhafoor qabsi noqday aniga iyo jiija habeen ayaa nakala dhex galay bari baan begsaday iyana galbeed ayey ciirsatay baadi goob ayaan maagay tabar ayaa iga hiilisay geedigii galbeed tagaba fariin u dhiib ayaan damcaa sumad iyo aqoonsi dheer ayey iga rabtaa baafin badan ayey iga rabtaa, gees ayaan u istagay geed ayaan hoos fariisatay si aan ogaal aheyn ayaan ku cataabayey( hadimada nafdeydaa howlahan i heystaan heehaabayaa,jiija haraadoo hurdo waa iska waayey, naf jaceyl haleelay lahanbaa kolba meel u horseeda ana heybintaadii baan hawd i dul geysay halkeed aduunyada ka joogtaa) waan dhaqaaqay dhinaca aan u dhaqaaqayna maanan garan, waxaan gocday habeenkii iyo galabtii aan dusha ku sitay xagaayaduna dhulka rusheesay ilmadeeduna ku tifqeysay barkimada bidix ee wadnaha,xasuusbaa isaaqday galbeed ayaan deymooday qorax sii galbaneysa ayey ishu qabatay waana soo jeedsaday anoo leh maa caleysha bari ayey qoraxdu soo bixi doontaa jiia la soo toosi doontaa

Monday, November 1, 2010

heesta calanka somalia


Calankeena wanaagsan xidig baa ku asteysan
Nidir baan horay ugalay nolosheydu waa meel hadii aanan soo noqon calankeygu nuuroow alahayoow
ku nabad gali

ugaas ahmed

by : ahmed muse