qisojaceel

Image

Image
m

Saturday, November 20, 2010

IBNI AADAM IS WAAYAY ARINAA KALA GEYSAY

IBNI AADAM IS WAAYAY ARINAA KALA GEYSAY

Kor dahab maadhiin ah malab la miiray iyo canbar la shubay ayey aheyd,jiija labeen ku kor ah ayey aheyd,marbaan arkay horeyna iima soo jiidan muuqaalkeeda mid la mid ah, malaa,i ktay qurux wadaag latahay sidii cosob doox dushii ka baxay ama laan dhabi ah oo dur dur Alle ka abuuray ayey leexada dabeyluhu kolba gees u ruxayaan, timo yix xariira aad moodid, labxo xardhan dhex madag ah midab mas ciideeda iyo muusood cadceed soo baxa ayey igu qaabishay, qalbigaa dhoola cadeeyey ilmo farxad ahaana sii daayey, dhidid shax iga sooyiri, xakamaha dareen wadaha ayaa iga xoog badiyey goor aanan ogeyn ayaan hab siiyey dushana saartay Alaabtiina u qaaday shinbiraha i dul heehaabaya ayaa ka maseeray dulsidkii geenyadan eebba uumay korbaan u fiiriyey indhaha kaga bogo ayaan damcay, waxaa ay igu jaleecday indho jano, illaah ayaa u dhameeyey qurux waxaa si aan dareen laheyn uga soo daatay ilmo faxna ku yiri laabteyda kuna tifiqday wadnaha dacalkiisa bidix,waxaana uu ku sigtay in uu joojiyo howshiisa si uu umudsado dhibcaha qabow ee ku soo tifqaya, marba god ayaan ku duldhacaa anoo dahabna dusha ku sita, dadku ilama wadaago mana heystaan lamaanahan oo kale, kalidey ayaa nasiib u yeeshay, jiif iyo joogba waan hareer fadhiyaa marka ay isoo jaleecdo bogaan ka ilmeeyaa biyo raxmada ah ayaa iga soo durdura hoos iyo hadh lafariiso ayaan ku taamaa, balaayo dhanbaa hareer mariyaa,uma baahni dhalaalka xidigaha cirka iyo biligta gaara bidhaanta,caddo iyo iftiin iyadaa ii ah markaan madow dareemo dhoola cadeynteedaan raadiyaa markaan wallaac isaaqana jaleecideeda ayaa ayaa ka hor istaagta garaaca wadnaha.wadnahayga madadaalo iyo maadeys iyada ayaa u ah, sidaa ayaan ku barinaa kuna soo bariisanaa. maanan fileyn in ay qoraxdo dhacdo maalintana habeen badalo, markii la kala yaacay midba meel dantu ka tuurtay, dadkuna dhafoor qabsi noqday aniga iyo jiija habeen ayaa nakala dhex galay bari baan begsaday iyana galbeed ayey ciirsatay baadi goob ayaan maagay tabar ayaa iga hiilisay geedigii galbeed tagaba fariin u dhiib ayaan damcaa sumad iyo aqoonsi dheer ayey iga rabtaa baafin badan ayey iga rabtaa, gees ayaan u istagay geed ayaan hoos fariisatay si aan ogaal aheyn ayaan ku cataabayey( hadimada nafdeydaa howlahan i heystaan heehaabayaa,jiija haraadoo hurdo waa iska waayey, naf jaceyl haleelay lahanbaa kolba meel u horseeda ana heybintaadii baan hawd i dul geysay halkeed aduunyada ka joogtaa) waan dhaqaaqay dhinaca aan u dhaqaaqayna maanan garan, waxaan gocday habeenkii iyo galabtii aan dusha ku sitay xagaayaduna dhulka rusheesay ilmadeeduna ku tifqeysay barkimada bidix ee wadnaha,xasuusbaa isaaqday galbeed ayaan deymooday qorax sii galbaneysa ayey ishu qabatay waana soo jeedsaday anoo leh maa caleysha bari ayey qoraxdu soo bixi doontaa jiia la soo toosi doontaa

No comments:

Post a Comment