qisojaceel

Image

Image
m

Monday, November 29, 2010

mudo badan ayaan waday


qiso jaceel
 mudo badan ayaan waday
maweelada naftaadoon
kuu miraayey hadalkoo
si aan ku maqsuudiyo
meer meerinaayee

anoo moodey xaajadu
meel wacan inay maraysoo
meher kaliya noo hadhay
ayaad muran ka daartood
macsalaama igu tidhi
kamanaan mutaysan
axdi aad u meel dayin
waxaa dhaantamay adi

filanmayn maryaney
marna kaama filanayn
inaad maya ileedahay walow
maanta aad tidhi isma naqaan
hadaad mooday caashaqu
maalmo qudha inuu yahay
micnihiisa maad garan
maweeliyo cayaar baad
moodeysaa adiguye

intuusani iigu maaxane
micida igu adkeysan
mahadhadiisa igu badan
mid kalaan la haystaa
marna imaadan odhanine

uurkoo mayidaad afka
malaha kayeesho
isukey macaysee
murugaan ihayniyo
mushkilo igu abuurtee
misna muranka daartood
macsalama igu tidhi
kamanaan mutaysan
axdi aad u meel dayan
waxa dhaantamay adi

filanmayn maryaney
marna kaman filanayn
inaad maya ileedahay walow
maanta aad tidhi isma naqaan
hadaad mooday caashaqu
maalmo qudha inuu yahay
micnihiisa maad garan
maweeliyo cayaar baad
moodeysaa adiguye

No comments:

Post a Comment