qisojaceel

Image

Image
m

Thursday, January 27, 2011

Dunidaan dibjirkeeda dayaxa laalaayo!!

nabada somalia
Dunidaan dibjirkeeda dayaxa laalaayo, dunidaan da'yarteeda dagaalka loo carbinaayo, dunidaan duqowdeeda nabada aan doonayn, dunidaan labadii is doorato dakano layskugu diidaayo dabkeeda ma yara, ana inaan daacad kuu ahay marna aanan ku dageynin damiirkaada u sheeg, wadnaheyga dushiisa iyo beerkeyga dacaladiisaan darin kuugu dul fidinayaa dareen la' aan ku dul seexo, hadaadan intaas ku daganeynin laabtaada sii danqaneyso dartaa waalidkeyga ha ii dilo ama duhurkaan ha ii deyrsho deg deg daartaada igu geyso.

Sunday, December 12, 2010

KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

qisojacel
KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
Qaybtii tan ka horeysay waxa ay noo maraysay, Khadro oo dhalin yaro badan oo xaafadeeda ku nooleed ay doon dooneen bal halka ay ugu jirto afaaraha shukaansiga iyagoo aaminsanaa in qof dhalinyaro ah kali ku ahaan karin nolosha oo uu qof kasto oo dhalin yaro ahi uu leeyahay ruux kale uu la qaadaa dhigo arimaha jaceylka, maantane waxa ay nooga bilaabaneysaa, Khadro oo taas ka gadisneed.
Khadro waxay xooga saari jirtay dhinaca waxbarashada, waxayn iska dhaga iyo indho tirtay faduul (daan daansi) kasto oo lagu doonayey sidii loogu dhagsan (qabsan) lahaa Khadro, waxaana intaas u dhereed iyadoo aan soo dhawayn, kana heli jirin wiilasha dhac dhaca badan, balse waxay Khadra aad ula dhacdey dabeecadda ay deggenaanta ku dheehneed ee Saadaq oo ka mid ah ardadii ku galaaska aheed, iyagoo xaga dabeecad ahaane aad iskugu dhawaa oo labadoodaba waxa ay aad ugu fiicnaayeen waxbarashada.
Dhanka kale Saadaq ma ahayn wiil ku dhac dhaca gabdhaha, iyadoo intaas u dheereed inuu ahaa mid aan kibir badnayn, wuxuuna ahaa qun yar socod dantiisa yaqaan oo aan ku deg degin howlo aysan shaqo ugu jirin, laakiin waxaan shaki ku jirin inuu ruux walbaahu si kastuu ahaadaba mar uun qalbigiisa deris la noqon doono caashaq, hadii uu dareemana uusan iska difaaci karin, asigoo hadba dhinac u raaca xidida jirkaada, Saadaq jawigisii hore wax baa iska bedelay, asigoo si aayar aayar ah ugu soo dabcayey Khadro, jeclaysanayeyna inuu inta badan indhaha ku haayo, iyadoo waqtiba waqtiga ka dambeeya ay quruxda Khadro soo jiidaneeysay, taasoo aheed mid aanan laga jeesan karin, naftiisana ay aad ula dhacdey.
Saadaq mararka qaarkood asigoo ku sugan sariirtiisa ayuu xasuustiisa dib uga milicsan jiray quruxda iyo hanaanka wanaagsan Alle ku manaystay Khadra, asigoo niyadiisa ay ku soo dhici jirtay ‘Cawo iyo ayaan waxaa iska leh oo ciil ka bixi kara, calaf nimuu Allah ku siiyoo nolosha la qaybsada’. Xaalkane wuxuu sidaa iska ahaadabok, maalin ayaa Khadra ku wargalisay Saadaq in gabar walaasheed ah oo ku nooleed cariga Ingariiska xaflad meher ah loo sameynayo, iyadoo ka codsatay inuu ka soo qayb galo, gacantane ka saartay kaarkii casuumaadda ee xafladaas lagu galayey, saadaqne arrintaas si diiran ayuu u soo dhaweeyey iyadoo madashane noqotay waqtiga xaflada dhaceyso.
La soco qeybta 4-aad ee KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
By:Aakhil musa cade

KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

qiso jacel.som
KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

Qaybtii tan ka horeysay waxa ay noo maraysay, iyadoo inan dhalin yaro ah oo Khadro hareer socdey la yaabay hal mar eryada ka soo baxay Khadro oo markaas anaanan garanayn meesha ay lugta dhigayso balse ogeed oo kali ah in ay socoto, wuxuuna waydiiyey dhibaatada haystay Khadro, kadib markii uu maqlay iyadoo leh ‘tane ma ii dhineed iyo erayo kale oo shaki galiyey?’ qeybtan waxa ay nooga bilaabmeysaa jawaabtii laga siiyey su’aashii uu weydiiyey Khadro…. Laakiin nasiib daro weydiintaas ma ahayn mid ay wax jawaab ah ka bixisay sababtoo ahayd wax xoogba uma helli karin su’aalaha dadka kale oo hareer socday, maskaxdeedane waxay aheed mid aan degnayn… halkii ayeyna socodkeedii ka sii wadatay.
Waxay hadba god iyo geed lugta saartaba waxay ay gaartay gurigoodii, iyadoona u gaaracdey si qof wareersan (miir la) oo kale, waxaana ka furtay Naciimo oo ah walaasheed ka yar, hal hadal ah iyadoon ku oran walaasheed ayey Khadro dirito u aadey qolkeedii halkaasoo ay sariirta iskugu tuurtay sidii jawaan cirka laga soo riday, waxayna bilaawdey feker aysan waligeed fekerin.
Khadro oo ahayd inan da’ayar oo waalidkeed, walaalaheed, eheladeeda iyo dadka dhamaantiis ay jeclaayeen, sababtoo waxay aheed inan kala soo dhex baxdey fir fircooni iyo karti dheeraad ah gabdhihii aynigooda oo kale ahaa, una dheereed in ay aheed inan inta badan aanan laga waayin gurigooda, dadka xaafadane aad u soo dhaweeyeen dabciga howl karnimada ku dheehan tahay iyo asluubteeda.
Khadro oo aheed mid Alle ku nimceystay asluub ayaa marnabe isku dayin, iskana ilaalin jirtay gabdhaha xiiseeyaha in ay aadaan meelaha aanan wanaagsanayn ama daneeya wareega, iyadoona ka aaminsaneed in ay tahay mid sumcad dari ah, kalana kulmi karto waxyaabo sharafteeda wax u dhimaayo, balse way fahmi kartay in nolosha mustaqbalka ruuxna kali ku ahaan karin oo uu u baahan yahay, lammaane hirarka caashaqa isla daadaheeyo dabeed gaarsiiya darbiga aayatiinka, hase yeeshee waxay aheed inan asluub iyo wanaag Allah ku manaystay waxayna niyadeeda ku dejin jirtay ‘ Calafkaada ku seego doonee si xun ha ku raadin’.
Waxayn dan (door) moodey minankooda(Gurigooda) ku sugato calafkeeda, waxayna aheed mid iskuulka, dugsi qur’aan iyo gurigooda u dhaxeyso, laakiinse saas laguma daynin oo dhalin yaro badan oo xaafadooda ku nooleed ayaa Khadro doon doonay in ay ogaadeen bal halka ay dhalinyarada uga jirtiyo afaaraha xod xodashada (Shukaansiga) aaga ay ka gasho, iyagoo markaa aaminsanaa in qof dhalin yaro ahi kali ku ahaan karin bulsha waynta dhexdeeda, ruuxkastane la qaadaa dhigo afaaraha jaceylka mid kale, hasayeeshee Khadro taa way ka gadisneed.
La soco qeybta 3-aad ee KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
By:Aakhil musa cade

KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

qiso jacel.som
KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
Qeybtii koowad:
Qisadan oo ah mid dhab ah ayaa waxa ay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, inkastoo dadka nin walbo soo marto dhacdo ku reebto uur ku taallo marka uu soo xasuustane moraalkiisa saameyn wayn ku yeellato ayaa hadane midan waxa ay noqotay mid ku reebtay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saadaq nabar xanuun badan oo markii uu soo xasuustaba damqaayo…
Saadaq wuxuu ahaa wiil ku nool magaalada Xamar ee Caasimada dalka Soomaaliya, wiilkan ayaa ahaa mid aad ugu fiican waxbarashada isla markaane dabeecadiisu aheed mid dadka aad u jeclaayeen, asigoona ka soo jeeday qoos iska meel dhaxaad ah, waligiis iskuulka kama maqnaan xiisadaha, waxbarashadiisane macalimiinta iskuulka xitaa waxa ay aheed kuwo aad u jecel, balse maxaa dhacay?
Waxay aheed maalin khamiis ah oo iskuulkane laga nasanayey, hawada magaaladana waxaa ka muuqdey daruuro roobaad, iyadoo la dareemayey saxan saxo udgoon badan oo soo raceysay dabaylaha roobab ka da’ayey daafaha magaalada Xamar, ma jirin kuleyl jawigane wuxuu ahaa mid aad u deggan, ‘balse noolaha dhamaantiis wuxuu ku hamiyaa barwaaqiyo iyo nabad, hase ahaatee qaarbaan intaa ku nooleeyn niyadooda u saamixin, meel doog leh iyo ku nagaadin jawigaas macaanoo meel kale naawilaayo’.
Khadro neecaawdaas udgoon iyo jawigaas dadka ku raaxeysanayeen, waxay dareemaysay kar iyo kuleyl aysan dadka markaas la qabin, socodkeeduna wuxuu ahaa mid aan kontaroolnayn oo iskama eegayn halka ay lugta dhigayso oo marna geed kor mareysay marna god ku dhacaysay, iyadoo u soconaysay sidii qof waalan oo kale, dadka hareeraheeda socda ee sheekeysanayeyna ma ahayn kuwo ay arkayso, hadalkoodane ma ahayn kuwo ay dhago u haysay, maskaxdeeduna waxay aheed mid si aad ah u howlan (Mashquulsan) oo si aan caadi ahayn ayey u shaqeynaysay, iyadoo ismoogna waxaa afkeeda ka soo baxey ‘walee waa aduun tanina ma I sugaysay?’ waa aduun iyo ayaamahiisa…
Inan dhalin yaro ah oo hareer socdey ayaa asigoo yaaban eegay Khadro, kadib markii ay dhagahiisa soo qabteen hadalada ka soo baxay inantan dhul iyo cir meel ay ku socota ogayn, wuxuuna iska dhaadhiciyey bal inuu ogaada dhibaatada haysata gabadhan, wuxuuna si degan u su’aalay ‘Abaayo maxaa ku haleelay?’ laakiin nasiib xumo maxaa loogu jawaabay?
La soco qeybta 2-aad ee KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
by:aakhil musa cade

layaabka aduunka qiso jacel

qiso jacel

nin aduunyo jogow maxa aragti kulaban

waw wala hor maray aduunka

qiso jacel

Naf Jacayl Sawaabay!!!! (waa maxa y nabsi)



qiso jacel
Naf Jacayl Sawaabay!!!! (waa maxa y nabsi)

wax la galo aduunyadan korkiisa waxaa ugu xun nabsi nabsiguna ma aha mid iska yimaada ee wuxuu ku yimaada sabab taas oo keenta in hadhaw uu ka soo if baxo qofkii nabsiga galay tusaale ahaan: waxaa laga ayaabaa in laba lamaanee ay si xad dhaaf ah isu jecelaadaan noloshana isku aaminaan oo midkoodba wehel iyo walaal ka dhigto ka kale mudo markay noloshoodu sidaa ahaato iyaga oo ka soo gubbay turunturooyinkii iyo dhibaatooyinkii waa weynaa ee hor yaalay jacalkooda. marka qofku uu gelayo nabsi kuma darsado xisaabta niyadiisuna ma siisto in hadii uu khalad galay ku waarayo wuxuu is yidhaahdaa dib ma ugu baahan doontid laakiin taas hadii ay dhacayso nabsigu meesha ma yimaadeen, in badan waxaan aragnaa heeso badan oo fanaaniintu ku tilmaamayaa in uu nabsi soo daahri doonta tusaal ahaana waxaan u soo qaadan doonaa shay mire dacar markii uu lahaa ifkaa tobanka nooc ahoo nabsibaa adeegee waxaad nabad u hurudaba nabar lama filaaniyo naxdin deris ma noqoteen nasiibkaa ma kulanteen ana ma iska noolahay inantaay waxaa halkan ka cad in qofku marka uu nabsi galo gelaayo nolol aad u heer sareysa taas oo uu ku ilaawayo jacaylkii kalgacalkii iyo noloshii uu la soo qaatay lamaanhii uu markii hore jecelaa ee aduunyada ka doortay, muddo marka uu sidaas ku noolaado ee laydh iyo hawa been ah uu heehaabo meel sarena gaadho ayaa cuqubadii iyo nabsigii ku biiray soo baxayaa wuxuuna arkayaa hal mar isaga oo taagan gegi cidlo ah oo aan afarta koone cidi ka xigin "ala naxdin badanaa xageed u carartaa" ayuu is weydiinayaa. dhanka kale qofkii uu nabsiga ka galay wuxu helayaa nabsi baxa qof uga wanaagsan ama siduu uu u jecelaa si kadaran u jecelaan doonta wuxuuna gelayaa nolol degan oo alle ugu talo galay kadib qofkii nabsiga galay wuxuu aadayaa cirkaa iyada oo diif iyo dacdaro ka muuqato wuxuuna isku dayayaa in uu dib u xaliyo waxyaabihii dhacay waayo isaguba waa dareemayaa in nabsi jiro taana waxaan ku cadeyn karnaa marka uu nabsigu ka soo if baxo waxaa la horkeenayaa oo mar walba hor imaneysa waa qofkii uu jecelaa oo keliya wuxuuna dareemayaa in daawadiisu ay ka dhawdahay halkaas. hadaba akhrista walab oo akhirsta maqaalkan waxaan kala dardaarmayaa in uu ku dhaqaaqo talaabo noloshiisa hoos u dhigaysa una horseedaysa in uu nabsi xanbaarto waayo wax walba oo aduunka yaalaa waa ka fiirsasho waxaana loo baahan yahay in nabsi aan leglin sababta aan taa u leeyahayna waxaa laga yaabaa hadii uu adiga kaa soo bixi waayo in uu ubadkaaga ka soo baxao jacaylka oo keliyana nabsi ma lagu xanbaarto ee nabsigu waa noocyo badan yahay
by:aakhil musa cade