qisojaceel

Image

Image
m

Sunday, December 12, 2010

KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

qiso jacel.som
KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
Qeybtii koowad:
Qisadan oo ah mid dhab ah ayaa waxa ay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, inkastoo dadka nin walbo soo marto dhacdo ku reebto uur ku taallo marka uu soo xasuustane moraalkiisa saameyn wayn ku yeellato ayaa hadane midan waxa ay noqotay mid ku reebtay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saadaq nabar xanuun badan oo markii uu soo xasuustaba damqaayo…
Saadaq wuxuu ahaa wiil ku nool magaalada Xamar ee Caasimada dalka Soomaaliya, wiilkan ayaa ahaa mid aad ugu fiican waxbarashada isla markaane dabeecadiisu aheed mid dadka aad u jeclaayeen, asigoona ka soo jeeday qoos iska meel dhaxaad ah, waligiis iskuulka kama maqnaan xiisadaha, waxbarashadiisane macalimiinta iskuulka xitaa waxa ay aheed kuwo aad u jecel, balse maxaa dhacay?
Waxay aheed maalin khamiis ah oo iskuulkane laga nasanayey, hawada magaaladana waxaa ka muuqdey daruuro roobaad, iyadoo la dareemayey saxan saxo udgoon badan oo soo raceysay dabaylaha roobab ka da’ayey daafaha magaalada Xamar, ma jirin kuleyl jawigane wuxuu ahaa mid aad u deggan, ‘balse noolaha dhamaantiis wuxuu ku hamiyaa barwaaqiyo iyo nabad, hase ahaatee qaarbaan intaa ku nooleeyn niyadooda u saamixin, meel doog leh iyo ku nagaadin jawigaas macaanoo meel kale naawilaayo’.
Khadro neecaawdaas udgoon iyo jawigaas dadka ku raaxeysanayeen, waxay dareemaysay kar iyo kuleyl aysan dadka markaas la qabin, socodkeeduna wuxuu ahaa mid aan kontaroolnayn oo iskama eegayn halka ay lugta dhigayso oo marna geed kor mareysay marna god ku dhacaysay, iyadoo u soconaysay sidii qof waalan oo kale, dadka hareeraheeda socda ee sheekeysanayeyna ma ahayn kuwo ay arkayso, hadalkoodane ma ahayn kuwo ay dhago u haysay, maskaxdeeduna waxay aheed mid si aad ah u howlan (Mashquulsan) oo si aan caadi ahayn ayey u shaqeynaysay, iyadoo ismoogna waxaa afkeeda ka soo baxey ‘walee waa aduun tanina ma I sugaysay?’ waa aduun iyo ayaamahiisa…
Inan dhalin yaro ah oo hareer socdey ayaa asigoo yaaban eegay Khadro, kadib markii ay dhagahiisa soo qabteen hadalada ka soo baxay inantan dhul iyo cir meel ay ku socota ogayn, wuxuuna iska dhaadhiciyey bal inuu ogaada dhibaatada haysata gabadhan, wuxuuna si degan u su’aalay ‘Abaayo maxaa ku haleelay?’ laakiin nasiib xumo maxaa loogu jawaabay?
La soco qeybta 2-aad ee KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
by:aakhil musa cade

1 comment: