qisojaceel

Image

Image
m

Sunday, December 12, 2010

KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

qiso jacel.som
KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

Qaybtii tan ka horeysay waxa ay noo maraysay, iyadoo inan dhalin yaro ah oo Khadro hareer socdey la yaabay hal mar eryada ka soo baxay Khadro oo markaas anaanan garanayn meesha ay lugta dhigayso balse ogeed oo kali ah in ay socoto, wuxuuna waydiiyey dhibaatada haystay Khadro, kadib markii uu maqlay iyadoo leh ‘tane ma ii dhineed iyo erayo kale oo shaki galiyey?’ qeybtan waxa ay nooga bilaabmeysaa jawaabtii laga siiyey su’aashii uu weydiiyey Khadro…. Laakiin nasiib daro weydiintaas ma ahayn mid ay wax jawaab ah ka bixisay sababtoo ahayd wax xoogba uma helli karin su’aalaha dadka kale oo hareer socday, maskaxdeedane waxay aheed mid aan degnayn… halkii ayeyna socodkeedii ka sii wadatay.
Waxay hadba god iyo geed lugta saartaba waxay ay gaartay gurigoodii, iyadoona u gaaracdey si qof wareersan (miir la) oo kale, waxaana ka furtay Naciimo oo ah walaasheed ka yar, hal hadal ah iyadoon ku oran walaasheed ayey Khadro dirito u aadey qolkeedii halkaasoo ay sariirta iskugu tuurtay sidii jawaan cirka laga soo riday, waxayna bilaawdey feker aysan waligeed fekerin.
Khadro oo ahayd inan da’ayar oo waalidkeed, walaalaheed, eheladeeda iyo dadka dhamaantiis ay jeclaayeen, sababtoo waxay aheed inan kala soo dhex baxdey fir fircooni iyo karti dheeraad ah gabdhihii aynigooda oo kale ahaa, una dheereed in ay aheed inan inta badan aanan laga waayin gurigooda, dadka xaafadane aad u soo dhaweeyeen dabciga howl karnimada ku dheehan tahay iyo asluubteeda.
Khadro oo aheed mid Alle ku nimceystay asluub ayaa marnabe isku dayin, iskana ilaalin jirtay gabdhaha xiiseeyaha in ay aadaan meelaha aanan wanaagsanayn ama daneeya wareega, iyadoona ka aaminsaneed in ay tahay mid sumcad dari ah, kalana kulmi karto waxyaabo sharafteeda wax u dhimaayo, balse way fahmi kartay in nolosha mustaqbalka ruuxna kali ku ahaan karin oo uu u baahan yahay, lammaane hirarka caashaqa isla daadaheeyo dabeed gaarsiiya darbiga aayatiinka, hase yeeshee waxay aheed inan asluub iyo wanaag Allah ku manaystay waxayna niyadeeda ku dejin jirtay ‘ Calafkaada ku seego doonee si xun ha ku raadin’.
Waxayn dan (door) moodey minankooda(Gurigooda) ku sugato calafkeeda, waxayna aheed mid iskuulka, dugsi qur’aan iyo gurigooda u dhaxeyso, laakiinse saas laguma daynin oo dhalin yaro badan oo xaafadooda ku nooleed ayaa Khadro doon doonay in ay ogaadeen bal halka ay dhalinyarada uga jirtiyo afaaraha xod xodashada (Shukaansiga) aaga ay ka gasho, iyagoo markaa aaminsanaa in qof dhalin yaro ahi kali ku ahaan karin bulsha waynta dhexdeeda, ruuxkastane la qaadaa dhigo afaaraha jaceylka mid kale, hasayeeshee Khadro taa way ka gadisneed.
La soco qeybta 3-aad ee KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
By:Aakhil musa cade

No comments:

Post a Comment