qisojaceel

Image

Image
m

Sunday, December 12, 2010

KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

qisojacel
KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
Qaybtii tan ka horeysay waxa ay noo maraysay, Khadro oo dhalin yaro badan oo xaafadeeda ku nooleed ay doon dooneen bal halka ay ugu jirto afaaraha shukaansiga iyagoo aaminsanaa in qof dhalinyaro ah kali ku ahaan karin nolosha oo uu qof kasto oo dhalin yaro ahi uu leeyahay ruux kale uu la qaadaa dhigo arimaha jaceylka, maantane waxa ay nooga bilaabaneysaa, Khadro oo taas ka gadisneed.
Khadro waxay xooga saari jirtay dhinaca waxbarashada, waxayn iska dhaga iyo indho tirtay faduul (daan daansi) kasto oo lagu doonayey sidii loogu dhagsan (qabsan) lahaa Khadro, waxaana intaas u dhereed iyadoo aan soo dhawayn, kana heli jirin wiilasha dhac dhaca badan, balse waxay Khadra aad ula dhacdey dabeecadda ay deggenaanta ku dheehneed ee Saadaq oo ka mid ah ardadii ku galaaska aheed, iyagoo xaga dabeecad ahaane aad iskugu dhawaa oo labadoodaba waxa ay aad ugu fiicnaayeen waxbarashada.
Dhanka kale Saadaq ma ahayn wiil ku dhac dhaca gabdhaha, iyadoo intaas u dheereed inuu ahaa mid aan kibir badnayn, wuxuuna ahaa qun yar socod dantiisa yaqaan oo aan ku deg degin howlo aysan shaqo ugu jirin, laakiin waxaan shaki ku jirin inuu ruux walbaahu si kastuu ahaadaba mar uun qalbigiisa deris la noqon doono caashaq, hadii uu dareemana uusan iska difaaci karin, asigoo hadba dhinac u raaca xidida jirkaada, Saadaq jawigisii hore wax baa iska bedelay, asigoo si aayar aayar ah ugu soo dabcayey Khadro, jeclaysanayeyna inuu inta badan indhaha ku haayo, iyadoo waqtiba waqtiga ka dambeeya ay quruxda Khadro soo jiidaneeysay, taasoo aheed mid aanan laga jeesan karin, naftiisana ay aad ula dhacdey.
Saadaq mararka qaarkood asigoo ku sugan sariirtiisa ayuu xasuustiisa dib uga milicsan jiray quruxda iyo hanaanka wanaagsan Alle ku manaystay Khadra, asigoo niyadiisa ay ku soo dhici jirtay ‘Cawo iyo ayaan waxaa iska leh oo ciil ka bixi kara, calaf nimuu Allah ku siiyoo nolosha la qaybsada’. Xaalkane wuxuu sidaa iska ahaadabok, maalin ayaa Khadra ku wargalisay Saadaq in gabar walaasheed ah oo ku nooleed cariga Ingariiska xaflad meher ah loo sameynayo, iyadoo ka codsatay inuu ka soo qayb galo, gacantane ka saartay kaarkii casuumaadda ee xafladaas lagu galayey, saadaqne arrintaas si diiran ayuu u soo dhaweeyey iyadoo madashane noqotay waqtiga xaflada dhaceyso.
La soco qeybta 4-aad ee KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
By:Aakhil musa cade

No comments:

Post a Comment