qisojaceel

Image

Image
m

Sunday, December 12, 2010

KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

qisojacel
KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
Qaybtii tan ka horeysay waxa ay noo maraysay, Khadro oo dhalin yaro badan oo xaafadeeda ku nooleed ay doon dooneen bal halka ay ugu jirto afaaraha shukaansiga iyagoo aaminsanaa in qof dhalinyaro ah kali ku ahaan karin nolosha oo uu qof kasto oo dhalin yaro ahi uu leeyahay ruux kale uu la qaadaa dhigo arimaha jaceylka, maantane waxa ay nooga bilaabaneysaa, Khadro oo taas ka gadisneed.
Khadro waxay xooga saari jirtay dhinaca waxbarashada, waxayn iska dhaga iyo indho tirtay faduul (daan daansi) kasto oo lagu doonayey sidii loogu dhagsan (qabsan) lahaa Khadro, waxaana intaas u dhereed iyadoo aan soo dhawayn, kana heli jirin wiilasha dhac dhaca badan, balse waxay Khadra aad ula dhacdey dabeecadda ay deggenaanta ku dheehneed ee Saadaq oo ka mid ah ardadii ku galaaska aheed, iyagoo xaga dabeecad ahaane aad iskugu dhawaa oo labadoodaba waxa ay aad ugu fiicnaayeen waxbarashada.
Dhanka kale Saadaq ma ahayn wiil ku dhac dhaca gabdhaha, iyadoo intaas u dheereed inuu ahaa mid aan kibir badnayn, wuxuuna ahaa qun yar socod dantiisa yaqaan oo aan ku deg degin howlo aysan shaqo ugu jirin, laakiin waxaan shaki ku jirin inuu ruux walbaahu si kastuu ahaadaba mar uun qalbigiisa deris la noqon doono caashaq, hadii uu dareemana uusan iska difaaci karin, asigoo hadba dhinac u raaca xidida jirkaada, Saadaq jawigisii hore wax baa iska bedelay, asigoo si aayar aayar ah ugu soo dabcayey Khadro, jeclaysanayeyna inuu inta badan indhaha ku haayo, iyadoo waqtiba waqtiga ka dambeeya ay quruxda Khadro soo jiidaneeysay, taasoo aheed mid aanan laga jeesan karin, naftiisana ay aad ula dhacdey.
Saadaq mararka qaarkood asigoo ku sugan sariirtiisa ayuu xasuustiisa dib uga milicsan jiray quruxda iyo hanaanka wanaagsan Alle ku manaystay Khadra, asigoo niyadiisa ay ku soo dhici jirtay ‘Cawo iyo ayaan waxaa iska leh oo ciil ka bixi kara, calaf nimuu Allah ku siiyoo nolosha la qaybsada’. Xaalkane wuxuu sidaa iska ahaadabok, maalin ayaa Khadra ku wargalisay Saadaq in gabar walaasheed ah oo ku nooleed cariga Ingariiska xaflad meher ah loo sameynayo, iyadoo ka codsatay inuu ka soo qayb galo, gacantane ka saartay kaarkii casuumaadda ee xafladaas lagu galayey, saadaqne arrintaas si diiran ayuu u soo dhaweeyey iyadoo madashane noqotay waqtiga xaflada dhaceyso.
La soco qeybta 4-aad ee KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
By:Aakhil musa cade

KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

qiso jacel.som
KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

Qaybtii tan ka horeysay waxa ay noo maraysay, iyadoo inan dhalin yaro ah oo Khadro hareer socdey la yaabay hal mar eryada ka soo baxay Khadro oo markaas anaanan garanayn meesha ay lugta dhigayso balse ogeed oo kali ah in ay socoto, wuxuuna waydiiyey dhibaatada haystay Khadro, kadib markii uu maqlay iyadoo leh ‘tane ma ii dhineed iyo erayo kale oo shaki galiyey?’ qeybtan waxa ay nooga bilaabmeysaa jawaabtii laga siiyey su’aashii uu weydiiyey Khadro…. Laakiin nasiib daro weydiintaas ma ahayn mid ay wax jawaab ah ka bixisay sababtoo ahayd wax xoogba uma helli karin su’aalaha dadka kale oo hareer socday, maskaxdeedane waxay aheed mid aan degnayn… halkii ayeyna socodkeedii ka sii wadatay.
Waxay hadba god iyo geed lugta saartaba waxay ay gaartay gurigoodii, iyadoona u gaaracdey si qof wareersan (miir la) oo kale, waxaana ka furtay Naciimo oo ah walaasheed ka yar, hal hadal ah iyadoon ku oran walaasheed ayey Khadro dirito u aadey qolkeedii halkaasoo ay sariirta iskugu tuurtay sidii jawaan cirka laga soo riday, waxayna bilaawdey feker aysan waligeed fekerin.
Khadro oo ahayd inan da’ayar oo waalidkeed, walaalaheed, eheladeeda iyo dadka dhamaantiis ay jeclaayeen, sababtoo waxay aheed inan kala soo dhex baxdey fir fircooni iyo karti dheeraad ah gabdhihii aynigooda oo kale ahaa, una dheereed in ay aheed inan inta badan aanan laga waayin gurigooda, dadka xaafadane aad u soo dhaweeyeen dabciga howl karnimada ku dheehan tahay iyo asluubteeda.
Khadro oo aheed mid Alle ku nimceystay asluub ayaa marnabe isku dayin, iskana ilaalin jirtay gabdhaha xiiseeyaha in ay aadaan meelaha aanan wanaagsanayn ama daneeya wareega, iyadoona ka aaminsaneed in ay tahay mid sumcad dari ah, kalana kulmi karto waxyaabo sharafteeda wax u dhimaayo, balse way fahmi kartay in nolosha mustaqbalka ruuxna kali ku ahaan karin oo uu u baahan yahay, lammaane hirarka caashaqa isla daadaheeyo dabeed gaarsiiya darbiga aayatiinka, hase yeeshee waxay aheed inan asluub iyo wanaag Allah ku manaystay waxayna niyadeeda ku dejin jirtay ‘ Calafkaada ku seego doonee si xun ha ku raadin’.
Waxayn dan (door) moodey minankooda(Gurigooda) ku sugato calafkeeda, waxayna aheed mid iskuulka, dugsi qur’aan iyo gurigooda u dhaxeyso, laakiinse saas laguma daynin oo dhalin yaro badan oo xaafadooda ku nooleed ayaa Khadro doon doonay in ay ogaadeen bal halka ay dhalinyarada uga jirtiyo afaaraha xod xodashada (Shukaansiga) aaga ay ka gasho, iyagoo markaa aaminsanaa in qof dhalin yaro ahi kali ku ahaan karin bulsha waynta dhexdeeda, ruuxkastane la qaadaa dhigo afaaraha jaceylka mid kale, hasayeeshee Khadro taa way ka gadisneed.
La soco qeybta 3-aad ee KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
By:Aakhil musa cade

KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?

qiso jacel.som
KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
Qeybtii koowad:
Qisadan oo ah mid dhab ah ayaa waxa ay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, inkastoo dadka nin walbo soo marto dhacdo ku reebto uur ku taallo marka uu soo xasuustane moraalkiisa saameyn wayn ku yeellato ayaa hadane midan waxa ay noqotay mid ku reebtay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saadaq nabar xanuun badan oo markii uu soo xasuustaba damqaayo…
Saadaq wuxuu ahaa wiil ku nool magaalada Xamar ee Caasimada dalka Soomaaliya, wiilkan ayaa ahaa mid aad ugu fiican waxbarashada isla markaane dabeecadiisu aheed mid dadka aad u jeclaayeen, asigoona ka soo jeeday qoos iska meel dhaxaad ah, waligiis iskuulka kama maqnaan xiisadaha, waxbarashadiisane macalimiinta iskuulka xitaa waxa ay aheed kuwo aad u jecel, balse maxaa dhacay?
Waxay aheed maalin khamiis ah oo iskuulkane laga nasanayey, hawada magaaladana waxaa ka muuqdey daruuro roobaad, iyadoo la dareemayey saxan saxo udgoon badan oo soo raceysay dabaylaha roobab ka da’ayey daafaha magaalada Xamar, ma jirin kuleyl jawigane wuxuu ahaa mid aad u deggan, ‘balse noolaha dhamaantiis wuxuu ku hamiyaa barwaaqiyo iyo nabad, hase ahaatee qaarbaan intaa ku nooleeyn niyadooda u saamixin, meel doog leh iyo ku nagaadin jawigaas macaanoo meel kale naawilaayo’.
Khadro neecaawdaas udgoon iyo jawigaas dadka ku raaxeysanayeen, waxay dareemaysay kar iyo kuleyl aysan dadka markaas la qabin, socodkeeduna wuxuu ahaa mid aan kontaroolnayn oo iskama eegayn halka ay lugta dhigayso oo marna geed kor mareysay marna god ku dhacaysay, iyadoo u soconaysay sidii qof waalan oo kale, dadka hareeraheeda socda ee sheekeysanayeyna ma ahayn kuwo ay arkayso, hadalkoodane ma ahayn kuwo ay dhago u haysay, maskaxdeeduna waxay aheed mid si aad ah u howlan (Mashquulsan) oo si aan caadi ahayn ayey u shaqeynaysay, iyadoo ismoogna waxaa afkeeda ka soo baxey ‘walee waa aduun tanina ma I sugaysay?’ waa aduun iyo ayaamahiisa…
Inan dhalin yaro ah oo hareer socdey ayaa asigoo yaaban eegay Khadro, kadib markii ay dhagahiisa soo qabteen hadalada ka soo baxay inantan dhul iyo cir meel ay ku socota ogayn, wuxuuna iska dhaadhiciyey bal inuu ogaada dhibaatada haysata gabadhan, wuxuuna si degan u su’aalay ‘Abaayo maxaa ku haleelay?’ laakiin nasiib xumo maxaa loogu jawaabay?
La soco qeybta 2-aad ee KURBADA CAASHAQA MAXAA LAYGU KOOBAY?
by:aakhil musa cade

layaabka aduunka qiso jacel

qiso jacel

nin aduunyo jogow maxa aragti kulaban

waw wala hor maray aduunka

qiso jacel

Naf Jacayl Sawaabay!!!! (waa maxa y nabsi)



qiso jacel
Naf Jacayl Sawaabay!!!! (waa maxa y nabsi)

wax la galo aduunyadan korkiisa waxaa ugu xun nabsi nabsiguna ma aha mid iska yimaada ee wuxuu ku yimaada sabab taas oo keenta in hadhaw uu ka soo if baxo qofkii nabsiga galay tusaale ahaan: waxaa laga ayaabaa in laba lamaanee ay si xad dhaaf ah isu jecelaadaan noloshana isku aaminaan oo midkoodba wehel iyo walaal ka dhigto ka kale mudo markay noloshoodu sidaa ahaato iyaga oo ka soo gubbay turunturooyinkii iyo dhibaatooyinkii waa weynaa ee hor yaalay jacalkooda. marka qofku uu gelayo nabsi kuma darsado xisaabta niyadiisuna ma siisto in hadii uu khalad galay ku waarayo wuxuu is yidhaahdaa dib ma ugu baahan doontid laakiin taas hadii ay dhacayso nabsigu meesha ma yimaadeen, in badan waxaan aragnaa heeso badan oo fanaaniintu ku tilmaamayaa in uu nabsi soo daahri doonta tusaal ahaana waxaan u soo qaadan doonaa shay mire dacar markii uu lahaa ifkaa tobanka nooc ahoo nabsibaa adeegee waxaad nabad u hurudaba nabar lama filaaniyo naxdin deris ma noqoteen nasiibkaa ma kulanteen ana ma iska noolahay inantaay waxaa halkan ka cad in qofku marka uu nabsi galo gelaayo nolol aad u heer sareysa taas oo uu ku ilaawayo jacaylkii kalgacalkii iyo noloshii uu la soo qaatay lamaanhii uu markii hore jecelaa ee aduunyada ka doortay, muddo marka uu sidaas ku noolaado ee laydh iyo hawa been ah uu heehaabo meel sarena gaadho ayaa cuqubadii iyo nabsigii ku biiray soo baxayaa wuxuuna arkayaa hal mar isaga oo taagan gegi cidlo ah oo aan afarta koone cidi ka xigin "ala naxdin badanaa xageed u carartaa" ayuu is weydiinayaa. dhanka kale qofkii uu nabsiga ka galay wuxu helayaa nabsi baxa qof uga wanaagsan ama siduu uu u jecelaa si kadaran u jecelaan doonta wuxuuna gelayaa nolol degan oo alle ugu talo galay kadib qofkii nabsiga galay wuxuu aadayaa cirkaa iyada oo diif iyo dacdaro ka muuqato wuxuuna isku dayayaa in uu dib u xaliyo waxyaabihii dhacay waayo isaguba waa dareemayaa in nabsi jiro taana waxaan ku cadeyn karnaa marka uu nabsigu ka soo if baxo waxaa la horkeenayaa oo mar walba hor imaneysa waa qofkii uu jecelaa oo keliya wuxuuna dareemayaa in daawadiisu ay ka dhawdahay halkaas. hadaba akhrista walab oo akhirsta maqaalkan waxaan kala dardaarmayaa in uu ku dhaqaaqo talaabo noloshiisa hoos u dhigaysa una horseedaysa in uu nabsi xanbaarto waayo wax walba oo aduunka yaalaa waa ka fiirsasho waxaana loo baahan yahay in nabsi aan leglin sababta aan taa u leeyahayna waxaa laga yaabaa hadii uu adiga kaa soo bixi waayo in uu ubadkaaga ka soo baxao jacaylka oo keliyana nabsi ma lagu xanbaarto ee nabsigu waa noocyo badan yahay
by:aakhil musa cade

Thursday, December 9, 2010

Iska Key Illow! qiso jacel

qiso jaceel

Iska Key Illow! qiso jaceel

Qeybtii 2-aad


………Jawaabtii aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura kasoo dareeray...naxdin anigii, anfariir baan qaaday, waxaan sheegana waan garan waayay, il biriqsiyo yar markii aan aamusanaa, baa aniga oo hadalka gef gefaya, cabsina ay iga muuqato, waxaan iri "een…een, abaayo iga raali noqo, hadii aan wax qaldan ku dhahay, ama talaabo qaldan ku dhaqaaqay, markaas bay iyada oo qar qareysa cod naxariis leh oo wadnaheyga gil gilay igu tiri "Illaah indhaha kuuma siin inaad ku jees jeesto, anigana iima tirin qalad aan galay, ee waa cibra qaadasho, inaan waxba arag oo aan meel aan u dhaqaaqo garaneyn waad aragtaa markaas baad qeylo dhegaha iiga jebineysa".

Markii ay intaasi afkeeda kasii idlaanayeen, aniga waxaan lumiyay hadalkii, naxadintii i heysana kun jeer bay jibaarantay, wax aan sameeyo baan garan waayay, waxay igu noqtay arrin aanan filaneyn iyo anfariir, mar waxaan ku dheygagay quruxdeeda marna waxaan qalbiga iska dhahay "Alle adoo kale sidan kuma aadan wanaagsaneyn", waxba yaanan hadalka kugu daalin'e, daqiiqado markii aan xaaladaas ku sugnaa, baan inta safaleeti jeebka iigu jiray lasoo baxay, isku dayay inaan ilintii ka tir tiro, aniga oo dhahaya "waan ku baryayaa iga raali noqon sida xaalkaagu yahay iyo sidaan maleeyay waa laba kala fog".., balse mar Alaale markii aan Isheeda bidix ku bilaabay inaan ilinta ka tiro bay inta gacanteeda iska qabatay iska tuurtay.

"Abaayo ma qalad kale baan galay hadana" baan ku iri. "maya…qalad maadan gelin" ayay iigu jawaabtay. "oo maxaad waayahay'e gacanteeda isaga filiqday" baan hadana weydiiyay, intaa kadib bay ayada oo aad moodo inay waxooga degtay, islamarkaana gacanteeda ilinta isaga tireysa igu tiri "Waxaan diidayaa inaan galo riyo maalmeed been ah, naxariistan oo kale weligey ma arag, mana doonayo inaan gudo galo wax ku kooban il-biriqsiyo".

Erayadaasi waxa ay noqdeen kuwa aan ka calool xumaaday, waxaana ay ii sawireen dhibka iyo nolosha liidata ee gabadha, si kastaba, aniga oo isku dayaya inaan qalbiga u hagaajiyo, kana saaro cuqdada, baan ku iri "Maya, saas ha oran, wax walba oo ku heesta way qornaayeen, waxa iman doonana way qoran yihiin, iska saar cuqdada, naxariistan iyo mid ka badanba waad heli kartaa, ee qalbiga kheyr u sheeg", "Waad mahad san tahay" ayay si kooban ii tiri.

Intaas kadib waxaan bilaabay inaan furo isbarasho aniga iyo ayada ah, aniga oo hadalka ku bilaabaya "Barasho wanaagsan abaayo, magaceygu waa Xamza, waxaan deganahay xaafadda Geed-Jacey ee Degmada Wardhigley" "Wanaagsan oo wacan, waxaa la I yiraahdaa Istar, waxaan ku noolahay xaafaddan" ayay iigu jawaabtay.

Markii ay intaasi na dhex martay baan waxoogaa wadada gees uga leexiyay, si waanagsan baan u sheekeysanay runtii, waxayna ii sheegtay in gabar ay deris yihiin oo ay meel u wada socdeen ay meesha uga tagtay, ayada oo dib ugu laabatay gurigooda oo ay wax ku soo ilowday. Istar, waxa kale oo ay ii tilmaamtay gurigooda oo halkii aan ku wada hadleynay aan sidaa uga fogeyn, waxaan jecleestay inaan la balamo waqti kale, si aan wax uga su'aalo xaaladeeda nololeed, wayna iga ogolaatay, inkasta oo ay u muuqatay mid aan aaminsaneyn balanteyda iyo inaan ka dhabeyn karo, waxa ay la ahayd arrin aan isaga kaftamayo, balse anigu dhab bay iga ahayd, intaas hadii ay sheeko inoo mareyso, ayaa gabadhii wadada uga tagtay ay timid, aniguna waan macsalaameeyay kana tagay, waxaan sii aaday gurigii Asad, oo aan runtii aad uga daahay. Waxaana la kulmay saaxiibkey oo markaa albaabka kasoo baxay, waxba hadal waqti isagama aan lumin'e horey baan usii aadnay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo uu Asad kaga dhoofayay dalka USA, abaarihii 8:00 barqanimo, ayaan soo laaabtay markii aan saaxiibkey ku hubsaday Diyaaradda, markii aan gurigeena imid, baan bilaabay….."
La soco qeybta 3 Saddexaad
INSH ALLAH

Iska Key Illow! qiso jacel

qiso jaceel

Iska Key Illow! qiso jacel

Qisadaan waa Qiso Qaali Ah Losocda

Qeybt 1aad

, aniga oo inta labada gacmood
kor u taagay, tobanka faroodna is dhaafiyay oranaya “aaa..aaa”, kadibna qoorta jucsanaya. Waxaa I haya caajis baas oo aan garaneyn halka uu igaga yimid, waxaanse u qaatay in dhafarkii habeenkaas aan ka qaaday cayaar ka mid ahayd horyaalka England oo aan daawaday, ay hurdo la’aanta iyo caajiskaba iigu wacneyd.

Saacada ayaan eegay mise..waaba 3:15 daqiiqo. “waqtigu socod gaabanaaa” baan inta anoo ciishoonaya iri dib sariirtii isugu tuuray. Intaa kadib waxaa ii xigay cod I dhahaya “Xamza…ka kac Maama, saaka hordada waad ku daahdayee”, markaas baa anoo sacabka isaga celinaya falaaraha arooryaad, soo kacay mise waa Hooyadey Maryan.

Hooyo baa igu tiri “beri waxaa baxaya Asad ee aroor hore iga kici soomaadan I oran hooyo..oradhee kac”, “waayahay Maama” baan inta iri haf kasoo dhahay sariirtii, hadaan saacadda eegay waaba 6:15 daqiiqo, 15 daqiiqo unbaaba ka hartay xiligii 6:30 oo an ku balan sanaa inaan Asad u raaco garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee Muqdisho, oo uu maalinkaasi ka dhoofayay.

Aniga oo aad u deg degaya baan gaarigeygii Mercedes-ka ahaa dalaq kusoo dhahay, oo aan guriga kasoo baxay, waxaana aniga oo Xawaare ku socda isku soo dhigay wadada dheer ee Wadnaha, kadibna dhinac bidix ula leexday Isgoyska Howl Wadaag, waxaan fooda sii saaray dhinac Sayidka, dabadeedna midig isula dhigay wada Maka Al-Muakarama, aniga oo kusii wajahan xaafadda Taree Biyaano oo Asad uu ku noolaa.

Markii aan la leexday jid cadaha laga galo xaafadii baa mar qure indhaheyuga qabteen qof wadada bartankeeda taagan, mise waaba gabar, waxa ay ahayd qof aan dareemayo inay duruuf daashatay, balse qurux dabiici ah ilaaah ku maneestay, hadii ay hesho qof dayac tir ku sameeya, micnaha (dhaqaaleeya), waxa ay lahayd midab biyaha dahabka sidooda ah, joog bay lahayd, jirkeedu dhexda buu u yaraa dhinacyada kore iyo hoosena u yara weynaa si qiyaasan, waxaan ka samri waayay bushimo aad u qurxoon oo aan dareemay….waxaa aad cajiib u ahaa indhaheeda buur buuran iyo suniyaasheeda bil dhalatay oo kale u qurnaaa…

Markii aan in cabaar ah saa u daawanayay baan bilaabay inaan hoonka ku yeeriyo, mise maba dhaqaaqdo, hadana dhowr mar yeeray “ha sheegin nuuxsi ma laha’..markaas baan inta gaarigii ka degay qeylo dhegaha kaga shubay, anoo ornayaa… “adiga ma wadada baad iibsatay maxaad la dhex taagan tahay”, jawaab baan filayee aamusnaan bay iigu kaalmeysay…mar labaad baan qeyliyay, anoo wejiga gacanta faraheeda uga riixaya, misna dhahaya.. ‘oo maxaad noo quursaneysaaa…maad nala hadashid oo wadad ka leexatid”..balse jawaabteii aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura kasoo dareeray..naxdin anigii….
Qisadaan waa Qiso Qaali Ah Losocda
Qeybt 2 aad

Wednesday, December 1, 2010

Mustaqbalkeygii Ma Sidaanba u dambeysay(qeybtii shanaad )

qiso jacel
Markaas ayaan waxaan tiriyey geeraar gaaban oo dardaaran ah wuxuuna u dhacay sidan soo socota
Da’yarey abaayo
Dardaaranka Aan ku lee yahay
Si degan u dhageyso
Dadka qaar waxaa jira
Dirdiraale ahoo
Dulmiya jaceylka
Diif iyo Dhibaatiyo
Dul Duleel ku sameeyo
Danahaaga xoojiyo
Darbi bir ah ka gal
Agtaada yey dagin
Darbi bir ah ka gal
Agtaada yey dagin
Darbi bir ah ka gal
Dabada laad ku sii qaad
Anigana inaan ku dhowrow
Aan ku dhaqdo
Ujeedadeeda ah
Maxaad ka dhihi laheyd arrintaa ?!!!!!!!
KKKKK!!! Wallaahi xasan waad ii dhoomatay sidaan ma kuu maleeyneynin waxaadba tahay fannaan caadi ah, Waxaa ka dhimman uun waa in aad ka soo muuqato fagaaraha fanaaniinta, Markaas anigoo ku qanacsan hadalkaas ayaan iri "Maya macaanto anigu fannaan maahi balse waxaa iga keenay jaceylka aan kuu qabo marka sidaa ku qanac"
Maalintaas jawigeyna waxaa laga dareemi karay farxad, wanaag is jeclaan waxana sheekadeenii noogu soo gabagabooday jawi dagan, waxaana labadeenii ka soo wada baxnay gurigii anigoo faraxsan
Maalintaas waxaan isku macasalaameynay isgoyska kiilo miter Foor (KM4) anigoo ku dhaha dardaarankaan "Abaayo waxan isku ognahay in aynu wada dhowrno jaceylka aan wada abuurnay si aan berito u gurano mirahiisa…
lasoco qeybta lixaad
by:qisojacel.blogger.com
axmedmuuse9@hotmail.com