qisojaceel

Image

Image
m

Sunday, October 31, 2010

hanan qaadka jaceel

Hana qaadka jacaylka hadmaa  kuugu horaysay  sxb  ?
 maxaad  kataqaanaa  doontii jacaylka ?
Ubax baan kuusidaa kuula soo ordee maad  iga aqbali

qurux abaheeday

qurux abaheeday

Suleeqadaan jeclaayeey Samsam seedaheeygiyo sadriga iyo laabtaad sidii sadar ku taalaa socodkiyo tallaabada sanqaroorka dheeree Saaddir kugu maneystiyo simaha timaha joogaan dabeyluhuna seexshaan saanqaadka laafyaha iyo midabka soolka ah xubnahaaga simmanee Samsam meelna laga dhimin waa sharaf sammaawi ah oon salguurin waligeed siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.
Subax waa-baryaayiyo suud lagu ildoogsada sadar qaansaroobaad saymaha cadceeddiyo sagal lagu misaalyeey sabankii la joogaba sammo iyo quluub-furan farxad kugu salaamaa sabi yaad u qaaddaa sawjadiisa noqotaa saqdidhexe habeenkii sariir kugula seexdoo Simman kugu yiraahdaa saacaddii la joogaba suuraddaada daawadoo Samsam kula caweeyaa siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.
Sammirkiyo dulqaadkiyo asluub saa'id iyo sharaf Ilaah baa ku siiyoo sinji baad u leedahay waxaad iila simmantahay ood wali ka sidataa suudda-ubaxa-geedaha saxansaxa udgoon iyo waqal-seermaweyda ah, soddon magac u qalantooy saafi iyo xariireey gabadhaha sanadkan soo kacay Suulidaan ka doortaay jacayl sarakacaayaan laabta kuugu sidayaa cishqigina sidii dhaaf siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sameeyoo qurux kula sitaan jirin.
Sanca iyo Ameerkiyo Soomaali guudkeed Suudaan oon ku noolahay saxaraha galbeed iyo dhulkaloon sifeyn karin sahan dumar u aadoo bari ugu socdaaltagay mana saarin caymaha mid quroo sawracaaga ah ma sifraama calafkoo wuxuu Saaddir noo qoray marna seegi meynee sidaa uurka galiyoo ciidda sammo ku sii joog anna waan sabaalini naftaan sii sasabayaa siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.
Samsammeey kalgacalkii jacaylkaagi simmaneey igu noqoy sun iyo waran qalbigeeygaad surantahay daraaddaa ma seexdoo hurdada waan ka salalaa haddii ay sad iyo calaf Samsam inaga hiishaan sabi inaan wadaagnana suuroobi weeydaa sammo iyo wanaag baan huunno kugu sagootiyay hambalyiyo salaan iyo Siraad aayo nolol wacan dusha kuu suraayaa siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.



ed:by _king love

muxubo iyo kal gacal


muxubo iyo kal gacal
Sidii madharka roobaad ama biyaha maagaad maankeyga deeqdoo manqaxiyo masruurkaan Milgooy kugu jeclaadee, mooshinkaan higsanayiyo mataantii jacaylkaay Milgooy midab suhuurleey muuqa roobladhaca iyo shamso lagu misaalyeey, waxaa tahay qof madani ohoo cishqigana matali kara masdarkaaga oo quraan malaayuunna loo hurin waxaa tahay mid iga mudan muxubbiyo kalgacal badan.
Waxaad igaga mudantahay maskaxdiyo halbowlahoo waxaan kugu misaalaa Milgooy sidii mahiigaan mayay loo hanweynaa mirtidhexe-habeennimo maansheeyay dunidoo sii daayay maaxdii ama sidii man iyo ubax magool iyo dhir dooggeed, naftan kuu maqsuuddaan Milgooy maalin iyo leyl maaweelinaayaa mixnaddii jacaylkiyo mushkilaadka caashaqaa haddana murugo igu fura, waxaa tahay mid iga mudan muxubbiyo kalgacal badan.
Magacaaga waa luul mareer karay la moodyeey sharaf lagu magoogyeey marna kuma illaawinoo maskan-kaad ku nooshahey ishu milicsaneeysaa sidii xarafka miinkaad maanka igaga qorantahay mahadhadiisa caashaqa Milgooy kuguma dhaafeen, adoo miyirka iga jecel inaan meela kala taga malaheygu ma aheyn balse waa marxalad qoran, marbey mucurti naga hari miiraalaha jacaylkana mirihii ka soo baxaan wada muudsan doonnaa macaaneey Insha'allaah marwadeydi baad noqon waad micigalooleyn waxaa tahay mid iga mudan muxubbiyo kalgacal badan
fikradii :(ahmed muse)

Friday, October 29, 2010

WELCOME DHAMAAN AQAYAARTA QISO JACEEL KU SO DHAWADA GACMO FURANhttp://www.qisojaceel.blogspot.com/

WELCOME DHAMAAN
AQAYAARTA
QISO JACEEL 
KU SO DHAWADA
GACMO FURAN
QISO JACEEL GROUP 



http://www.qisojaceel.blogspot.com/


BY :AHMED MUSA 
KING  LOVE

DHAMBAAL JACEEL

Maxaa dayr cad geel hallaaboo
Dib jiray uu cunay dugaagooa
Ninkii lahaa daydayaa
Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan
Adigoo degganaa abaar
 
 
 
 
Mar baa dirir kuu da’ayoo 
Daruuruhu kuu curtaan oo 
Xareed ku dabbaalataa 
Ha dilin hana iga dagaalin
Diirkaa iigu yaallee ax!
Wadnaha damqashada ka daa.xx .quraa .
FIGRADII :AHMED MUSA HASAN

cilmi Boodhari

cilmi Boodhari
Saxabiyaal waan idiin salaamay meel kasta oo aad aduunka kaga nooshiin, wax
aan halkaan idiinku soo gudbineynaa Qiso xusid mudan oo Jacayl ah taas oo ah
Qisadii Abwaankii Jacaylka Ee Cilmi Boodhari.
iyadoo aan u qeybinnay Cutubyo badan soona koobnay Nuxurka Qisada layaa bka
leh ee Cilmi iyo Hodan
Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyne
yey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille
Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan
Markay socodka damacdee
Deggenida tallaabada
Miisaanka lagu daray
Laafyaha la daawado
Dadku waxay yiraahdaan:
“May daarin ciiddee
Indho deeraleeyey!“
Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay
qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay
midabkeeda oo aad dahabi moodeysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda
wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaagsan“. Islamarkaasna wuu
caashaqay
Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari . „Culays wuu i saaran yahay“ buu ku
yidhi saaxiibbadiis. Markuu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo
batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo
hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu
jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay
Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii
ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay

quraa sare ''ahmed musa''

Dhanbaal jaceyl'(qisojaceel)

 Dhanbaal jaceyl'(qisojaceel)
Maansadaan dha’leydaa haddaan qalin ku dheereeyo
balli baan dhextaag nahay murti uma dhibtoonaayo
dhabi hiisaan ku hagayaa dhinac anoon seegin
ka dhirqo maantiyo bariba waa la dhurayaaye
balaan dheeman teeydii u diro gabaygu waa dhaare

ma ogtahay dhanbaal jaceyl dhaxal gal weeyaane
dhabtiyo wuu kaaga turjumi dhiiga socod kiisa
adna jeeraad soo dhawaato farxadi weyga dheertahaye
hawada dhexdeeniyo iga gudoon salaan araxda soo dhaaftey

caashaquna kalsooni kuma dhammiyo dhiiri gelin toona
ha yeeshee marbuu dheeliya aqalkaan dhigaha loo aasin
adna Dhooleey fogaatayoo xaalku wuu dhanaan yahaye
axdigii ma dhowrtoo matahay taan u dhimanaayey?

dhuuxoo dhaqsi uga jawaab waan dhibtoo nahaye
aley lehe dhirbaaxada jaceyl waan la dheygagaye
dhararti aad dhofta dhinbilo leyla dhacay fiidki
saqdii dhexe sidii dhalan wanigii dhelalow kacaye
kama bogto dhuunigoo biyihi waanka dhowr sadaye
dhabihii aad qaadan inanyahey sii dhugtaa waliye

dheeraa bishan waxaan u dhigo sooba dhufan waaye
cashara daadan iga dhaqmeyn dhimasho mooyane
xusuus tadana kama dhowr sado waandhex tagnahaye
hayga dheeran markale yaan wadnuhu isoo dhicine
cidlo haygu dhafine qalbiga ii dhawee manta.


(qiso jaceel) (ahmed'musa)

QALBI JACEL MA QUUSTO

QALBI JACEL MA QUUSTO
Warqada 1aad
KA:
NAF WAX JECELKU:
NAF LA JECEL YAHAY
nuuurki nolosheeedooow waaan
ku salaamay salaan ka so go’day kashka iyo laabta, salaantaasoo ka macaan
malabka shinida kana udgooon barafuunka bakhuuurka salaantaaso aan ku so
marinaayo hawada inoo dhaxeeeso………………
dawadii nafteedow dadka kaaan ka dooortow soo ina aan ku sheego sidi eey
nafteydu kuu tabeeeyso warqad iyo qalin uma qaadan marki aan bilaabay anigu dhan
xaadu ima istaagin dheemankii naftooodow dharaaar iyo habeenba dhambaaaladii
jaceylkaaaa dheef kaaga dhigayaa dhankaa iga xigtaaa aan ku so
dhadhabayaaaa.Warqada 2aadKa : La jecleey (
gacalisadii mustaqbalkaada)Ku : Jaceloow ( Macaanahii
nolosheyda)Macaanoow iga gudoon salaan,aan maaxanaayey maalmo badan, murti
iyo macno wayn xambaarsan,malo awaal ka dheeroo manafacaad wada. Aboowow
macaanoow,hadaan kaaga waramo xaalkeeyga guud, maskaxdayda ma joogtoo,Wabi baa
makhuurtoo ma nooli,Caashaq baa i mudoo maan ma haayo, maskaxda iyo maankayga
adigaa ka muuqda,maalintaan ku waayana waan malganahay.Run ahaantii aboowow,
jaceylkaan aan kuu qabo ma ahan mid igu dhashay markaan aqriyay warqadada qimaha
iyo qaayaha ku saleesneed ee waa mid aan baryo badan la wareersanaa, oo
daawadiisa si aan u helo falkiisa ku jiray.Waxaa ii cuntami weysay in aan ku
imaado kugu dhaho :dhaayaha u roonoowku dhaadanaayaaydhaxantiyo
dabaylahakaan ka dhigsanayaanlaba dhimasho mooyeeiskuu dhaafin
nololoowaxaanahay is dhawrtoorabi kala dhantaalinehayeeshee dhib
hawliyodhakafaar adduunyiyoina kala dhexyaaloosoo dhoofi
waayeedhulku kala fogaayooATL NA dheeraaayaan dhixin
habeenoodhakhso iigu kaa simajacaylkeenu hadmuuubad dhalaa
Laakiin hada waxaan hubaa in qalbigeega qeybtiisa kale ii difaacantahayoow oo
aan isku si u wada shaqeyneenobeen laguma dhaarteedhan loo dayaba
wiilyahoowjacaly iga dhab weeyee..
dhaqan kaama luminoodhismahaa ma liicinewaqti kuma
dhirbaaxinesidii aad u dhalataydheehii u leeyiinwali
dhabanadaaduyeanna waxa ii dhaawacaydhaayaha u roonoowdhoola ka
qosolkaagee
Gacaliye waxaan kuu sheegayaaa in intaa ii heeso kabadan in ee agteyda ku
yaalaan ,taasna waxaan jeclahay in aad ka aqrisan karto qoraaladii aan kor ku
soo sheegay.Waxaan warqadaan ku soo xeraayaa, duco , ducadaasoow ku saleesan
mahadnaqa ilaahay..sababtoo ah qalbiyooow, waxaanu nahay laba qalbi oo isku si
wax u wada dareemay saas ee tahay awooday inee soo bandhigtaanoow ku heshiiyay
in ee meel wax wada saaraan, taasna waxaa inoo suurto galiyay rabigeena…ilaahay
waxaa inooga baryaa in aa noqono labii isku wartoo, ilmo baariya kala hela,
aaqiro iyo aduunyaba farxad ku wada noolaadoo,laba dadka ka kala maseeraanoow,
lagu wada sheekesto jaceylkoodana dhamaaninoo ,noqdaa kuwiii liibanaa ayaan
ilaah inooga baryaayaa..AMIIN AMIIN YA RABi…
Love yaw id all my heart macaanooow,MUUUUUUUUUUAH (K) ( intaas dambe
shumis waaye )Waqada 3 aad
Ka: meKU: ayada..Abaayo marka hore iga gudoon salaan kasoo goday
kashka iyo laabta quraanka kariimka cadadiisa…abaayo ayaamahaan runtii aniga
dhan waa is fahmi la ahay markaa qubeesanaayo ada aii muuqda, markaa qadeenaayo
adigaa raashiinka iiga muuqda abaayo saaxiibadeey ayaan weediyaya waxaan dhahay
sidaas ayaa i haasato maxaa u maleesiin intahay…saaxiibadeey waxay dheheen
jeceel waaye marka abayao waaku jeclahay..abaayo jaceelkeega wax igala qabo plz
warqadaan hadaa heshid si deg deg uga soo jabaab….by qof ku jecel….
sidaas aan warqada u qoray noo….LOL ayadana jabaabta warqadaas gadaasheed lee
iiguy so oqortay….marka adiga hadii aad qarqad jeceel qof u qori leheed sidee u
qori leheed hada mahan waqtigaas oo aan sidaas lo il
baxsaneenWarqada 4aad
hi heblaayo abayo macan dhabtii waxad tahay nolal dacad ah oo qof ki helaa u
elay lul ka dunida uu qali san lakiin waxan ku ducay sanaya inan luul kas an
noqdo kii nolasha xalasha ah lawadagi laha ayan ku du cay sanaya abayo macan ad
ban ugu farax sanahay madama annoqday jacayl kaga dhabta ah wana ku farax
sanahay madama ad adiguna i jeceshahay macanay waxana ku rajay naya nolol aya
tiin badan byee 

quraa ahmed musa (qiso@jaceel)

Thursday, October 28, 2010

''jacayl qurbo kugu galay qalalaasihiisu badanaa''

''jacayl qurbo kugu galay qalalaasihiisu
badanaa''
Jaceylka ayaa waxa uu noqday mid ka mid ah tiirarka ay
ku taagantahay dunidu.hadana waxa uu leeyahay caqabado aan halkaan lagu soo
koobi Karin. Haba ugu darnaatee midka qurbaha kugu saameeya ama kaa
helaMar ay waresiyo kala duwan kasoo qaaday
bahda dhambaalka jaceylka dadweyne badan oo ka mid ah da’yarta iyo dhalinta
magaalada ayaa waxay isku si uga wada hadleen arinka jaceylka qurbaha laakiin
labadii qiso ee iigu yaabka badnaayd oo sida aadka ah an ula yaabay ayaa waxay
ay kala ahaayeen {nin ay hawadu caqabad ku noqotay taas uu qarka ufuulay in uu
jaceylkiisii waayo iyo nin xaaskiisi oo uur ninka kale uleh ugu tagay
UK!!!!!Mid ka mid ah ayaa waxa uu u war
bixiyay sida tan (habeen habeenada ilaahey ka mid ayaa waxaan damcay in aan
waco xaaskeyga oo joogtay wadanka
new
Zealand nasiib daro habeenkaas ma’aanan helin
balse habeenkaas wax dhib ah uma aanan arag. Habeenkii labaad ayaan wacay sidii
si lamid ah leygama qaban, shaki ayaa igalay waayo qoftaan waxaa jiray xili aan
wici jiray markaasna ay iga qaban jirtay yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaab! Alla in aduunya
joogow maxaa aragti kuu laaban! Aniga oo su’aalo fara badan iska weydiinaaya
waxa ku dhici Kara ifraax jawaabata aan ka helaayay maskaxdeyda haba ugu
badnaatee {war miyey ku nacday ifraax} yaaba aheyd oo in badan maskaxdeyda kusoo
noqnoqotay.Waxaan si hal haleen ah uwacay
shaadiyo oo aheyd gabadh ay guri kuwada noolaayeen oo aan islahaa xoogaa
faahfaahin ah ayaad ka helaysaa. Shaadiyo waxa ay iga qabatay telkii waxa ayna
ii sheegtay in ifraax ay fiicaneyd walibana aysan wax shaqo ah aysan laheyn
maalmahaan ayadna aysan xaafada haatan joogin balse ay hada waceyso oo ay ku
Oran doonto
telka qabo Markaas ayaan hadaana ku celiyay
arinku meeshiisii hore ayuu sii cuskaday yaab waxaan ku celiyay gabadhii oo ii
sheegtay in aan soo wacaayo sheet! Sheet! Habeenkaas ayada oo aan
neerfoose ahay ayaan ka baxay goobtii. Oo xitaa aan isleeyahay armada tagi
weydaa guriga saan u wareersanahay awgeed.Habeenkii sedaxaad ayaan wacay hadana balse waxaa
halkoodii kasii socday guuldarooyinkii jaceylkeyga laakiin habeenkaas go’aan
ayaan gaaray kaas oo ahaay in aan dib danbe aanan u wicin ilaa ay iga soo
waceyso laakiin go’aankaas ma aheyn mid xageyga ka hir galay ileen horay ayaa
loo yidhi {ruuxaad jaleecdoo ubeerjileecday jinni kaama celiyee} habeenkii
afaraad ayaan iska xaadiriyay goobtii taleefanada oo ku yidhi ii wac
newzealand.Nasiib wanaag habeenkaas waxaa
soo afjarmay guuldarooyinkii jacelkeyga waxaana iga qabtay jaceylkeygii aan
codkeeda aqaano hadana maskaxdeydii ayaa dib su’aal isu weydiisay su’aasaas oo
ahayd {war heedhe taleefanka miyaad qaladay mise qoftu waa ifraax} laakiin taa
waxaa ka jawaabay ifraax oo tidhi haye jaceylkeyga ii waran kolkaas ayaa waxaa
iga soo fuqoy oof igu taagneyd Isku soo
wada xoori dalnuurshe waxa uu ku siktay in uu jaceylkiisa waayo taas waxaa ugu
wacneyda kala fogaanshaha waayo hadii ay dal wada joogaan ama dalkii hooyo xitaa
haday xumeyso xitaa lugihiisa ayuu ugu tagi lahaa jaceylkiisa Hamoogaan hana seegin qeybteedii labaad sheekadaan
lamagac baxday jaceyl qurbo kugu galay garibaadiisu badanaa waxaadna ka heli
kartaa wargeysaka dhambaal (qisojaceel.som)
by''ahmed.musa

LABA DARAN MID UUN DOOROO! (qisojaceel)

LABA DARAN MID UUN DOOROO!
aduunyadan wax walba waa la arkaa oo way ku soo marayaan ee
waxaa qisadan ii soo tebisay mid ka mid ah hablaha qurbo jooga ah taas oo ay
taabatay ama ku habsatay saaxiibadeeda qaaliga ah. jacaylku waa noocyo badan
yahay ee gabadhan waxay wiil iska jecelaadeen aalada intertnetka iyaga oo wada
xidhiidhi jiray jacyl ba ana isu qaaday haba aduunyo sideedee hore ma ahaatee
waxay gabadhii dareentay in wiilku ka sii jeedo oo hablo kale ku xidhan yahay
iyada oo taasi jirto welina aanay qalbiga ka saarin ayey waxay gashay shil
baabuur. wakhtiga ayaa kuu gargaaree waa ka soo kabatay shilkaa iyada oo
wiilkii ay is barteena u yimi jacylkiina halkii kala sii anba qaaday wxuuu
wakhti sidaa ahaadaba maalintii danbe ayey misana sidii si la mid ah ku aragtay
waxayna go'aan ku gaadhay in ay ka hadho oo ay walaalti nimo ka dhacayso
maadaama oo wiil kale baratay kaas oo u jecel si xad dhaaf ah oo aanay jecelayn
iyadu markaa dad weyna waxaan ka codsan lahaa in ay codkooda ka dhiibtaan lbadaa
wiil ee midna ay laabteedu dooneyso isaga oo ka sii jeeda mid kalena uu u heelan
yahay waxayan go'aankan ku qaadan doontaa wadadii mustaqbalkeeda
quraa ''ahmed musa''

Ruuxii aad ifka ugu jacleed haddii uu ku kala dhan-taallo maxaad ku sameyn laheyd (Qiso Xanuun Badan)

Ruuxii aad ifka ugu jacleyd haddii uu ku kala dhan-taallo 
maxaad ku sameyn laheyd (Qiso Xanuun Badan)
xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha
barnaamijka xiisaha badan ee Isha
Dhacdooyinka Caalamka,
 wuxuuna uu inooga waramay sidii ay
wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Yaaqshiid, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay Iskuulka Al Fajri, xilligii aan dhameeyay dugsiga sare ayaa waxaa bilaabay machadka Simad, intii aan Simad dhiganaayay ayaa waxaan ku bartay gabdho fara-badan oo ay kamid ahayd Xaliima.
Qiimeen balaaran ayaa waxaan ku sameeyay gabdhihii xilligii dhigaanayay Simad bartay, hase ahaatee dhan kasta waxaa qof wanaagsan ila noqotay Xaliima, anna waxaan gar-waaqsaday inaan gacanta ku dhigo, bacdamaa aan u bogay, deetana waxaa inoo surta gashay inaan si wanaagsan isku dhex-galno, waxaana aallaaba aanu ka wada sheekeysan jirnay teleefanadii xilligaa guryaha inoogu jiray.
Xaliima waxaanu isla soo qaaday waqti aad moodda in naloogu talla galay, waxaana xilli kasta magaaladda Muqdisho ku joogay dareen farxadeed, bacdamaa ay ku nooleed qalanjadii naftayda, waxayna Xaliima ahayd gabar si weyn ii jaceyl, isla-markaana waxba maanan kala qarsan jirin.
Wiil ila dhashay oo joogay dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu igu baaqay in aan imaado dalka Koonfur Afrika, si aan ula shaqeeyo, anigoo taasi ka caga jiidaayo ayaa waxaan u sheegay gacalisadayda Xaliima, waxayna igu baaqday in aan qaato hadalka uu igu baaqaayo walaalkay, anna sidii ayaan yeelay.
Dalka Koonfur Afrika markaan imaaday ayaa waxaa bilaabay shaqo culus, waxaana kasbay hanti maaleed, intii aan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika waanu iska warqabnay Xaliima oo ahayd gabadhii ay dooneysay nafsadayda.
Xaliima ayaa waxay iga codsatay in aan kasoo kaxeeyo magaaladda Muqdisho, iyadoo iga codsatay in aan keeno dalka aan ku noolahay oo ah Koonfur Afrika, hase ahaatee anna waa ka ogolaaday oo qarashkii aan ku keenay ayaa wuxuu gaaraayay afar kun oo dollar (4,000 Us dollars).
Nasiib wanaag Xaliima waxay soo gaartay dalkii aan ku noolaa, waxaana geeyay goob ganacsi aan shirko ku hayn wiil aanu saxibo ahayn, hase ahaatee xilli gaaban kadib ayaa waxaa arkay Xaliima iyo wiilkii oo ay iskugu baxeyso, intaan shaki ka qaaday ayaa waxaan wiilkii ku iri, dukaanka inoo gad, si aan lacagta u kala qeybsano, waxaasoo dhan waxaan u sameynaayaa oo kaliya inaan kala geeyo, waayo aad baan u jeclaa xaliima, ileen ruux kasta waa uu dareema karaa tanoo kale.
Waxaan sameystay xaruun kale oo ganacsi, hase ahaatee Alle wuxuu qadaray in leega dhaco, wixii hanti aan tabcanaayay ayaa waxay noqdeen wax leega boobay ama leega dhacay, iyadoo ay xaaladdu igu xun tahay ayaa waxaa Xaliima ugu baaqay inaan isguursano, iyadoo si aan wanaagsaneen igu dhahay, waanu isguursaneynaa balse gacaliye maxad inoo heysaa, waxaan u sheegay inaanan waxba haysan, balse aan doonaayo in aan iyadu guursado.
Wada-hadal kadib ayaa waxay ii sheegtay in aysan marnaba i dooneen, bacdamaa aan waxba haysan, iyadoo ii sheegtay in ay raaci doonto wiilkii aan horey uga shakiyay, kaasoo ay wax isla wadaan.
Si kasta oo aan ula hadlo Xaliima ayaa waxay ii sheegtay in aysan waxba ii qaban karin, hadaba xaaladda waa ay igu cakiran tahay, gabadhii aan intaasoo sano kusoo tacab iyo tiir beelay ayaa sidaasi igu jawaabtay
(ahmed'musa)

Gabar Soomaaliyeed oo la il-daran Jaceyl naxdin leh. (Alla dadka qaarkiis Calool adkaa!!!!!) Qiso jacel::

Gabar Soomaaliyeed oo la il-daran Jaceyl naxdin leh.  
(Alla dadka qaarkiis Calool adkaa!!!!!)
( Qiso jacel::)
Gabadhan oo magaceeda kusoo gaabisay Xafsa ayaa LA SO xiriirtay Barnaamijka xiisaha badan ee Qisooyinka Jaceylka ee shabakkadda warbaahinta caalamiga ah ee qiso jacel, waxeyna inooga warrantay sida ay wax u dheceen iyadoo ku bilaawday sidatan:
Magacaygu waa Xafsa waxaan ku dhashay magaalo xeebeedka Marka Caddey sanadku markuu ahaa 1991-kii, waxaanna kusoo bar-baaray isla magaaladaasi.
waalidkaygu ima aysan geeynin goob wax-barasho haddii ay ahaan lahayd mid lagu barto Qur’aanka Kariimka ama xattaa qaybaha kale ee cilmiga, waxaanna ahaan jiray gabar aan inta badan loo oggolayn in ay guriga ka baxdo iyadoo mar-kasta la iisheegi jiray in gabdhaha oo dhan aysan guryaha ka bixin, ma garanay sababta keentay in aan noqdo xabsi guri laakiin markaa waan ku faraxsanaa nolosha oo waxaanba u haystay in gabdhaha oo dhan ay wada qabaan arrinkan.
Markii aan soo weynaaday ayaa waxaa isoo dalbatay Habaryartey oo degganayd magaalada Muqdisho oo iyadu aan dhalin wax gabar ah isla-markaana u baahnayd xoogayga, waxaana la ii waday dhanka Muqdisho anigoo markaa helay xorriyaddii iigu horreysay, waxaanna aad u jeclaystay nolosha magaalada Muqdisho maadaama ay tahay meeshii iigu horreysay oo aan ku ogaaday in gabdhuhu ay bannaanka u bixi karaan, wax baran karaan, isla-markaana ay la macaamili karaan ciddii ay doonaan.
Markii aan muddo sanad ku dhawaad ah joogay magaalada Muqdisho ayaa waxaan is barannay wiil lagu magacaabo Cali oo runtii ahaa mid naftayda soo jiitay markaa, anigoo u qaaday jaceyl xad dhaaf ah laakiin nasiib darro Cali ima uusan ogayn in aan jeclahay aniguna waxba waan u sheegan kari waayay mana jirin cid aan ka kaashan karay oo arrinkan wax igala qaban kartay, waxaanna mar-kasta la sameyn jiray xriirro kala duwan anigoo habeen kasta ka wici jiray Tel-ka guriga si aan mar un uga helo wax xal u noqon kara arrinkaygan cagaha dhiiqada lasii galaya laakiin nasiib darro ima uusan fahmin, waxaana marba marka ay ka dambayso sii adkaanayay jaceylka i kaliyaystay ee aafeeyay naftayda.
Markii dambe waan is celin kari waayay waxaanna ku dhiirraday in aan u sheegto jaceylkan aan la liito ee iga jaray gama’a iyo gumaadka (quudka) intaba balse nasiib darro kama aanan helin jawaab igu habboon marka la eego marxaladdii aan markaa ku sugnaa, wuxuuna iigu jawaabay erayo naxdin leh oo wali qalbigayga aan ka bixin. oohin……….oohin………ooyin.
Wax badan ayaan waqti ku bixiyay waxaana ii dhadhami waysay nolosha oo dhan, iskaba daa’ in aan qof kale damco ee xataa ma u haysan in nin kale adduunyada jiro, maxaa-yeelay qalbigayga iyo xubin kasta oo jirkayga kamid ah waxey gabtay adeeggii loogu tala galay, waxaana mar kale lama filaan igu noqotay anigoo xaalkaygu halkaa marayo markii uu Cali guursaday gabar kale oo uu si dhab ah iigu xumeeyay. Waxaan filayaa qof kasta oo jaceyl wax ka taqaan ama xataa uu mar soo maray in aysan la-yaab ku noqonayn qisadan laakiin dadka qaarkiis haddii ay qalad ii fahmaan ha iga raalli noqdaan.
Cali iskuma aysan waarin gabadhii uu guursaday waxeyna ku kala tageen muddo kooban anigana wali igama uusan bixin jaceylkii aan ku dhibtooday oo wali waan dareemayaa, Cali dhankiisana kama hayo wax yididiilo ah ama i dhiirri-gelin kara oo waa nin aad u go’aan adag naftayduna way diidday meel kale, hadda-na aniga iyo Cali waxaan ku wada sugannahay magaalada Muqdisho, waxaanna ugu dambayntii ka codsanayaa dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee warkaygu gaadho in ay si naxariis leh iigu biiriyaan fikirkooda si aan u helo xal wax ku ool ah oo naftaydu ku qanacdo.
Xafso oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa intaa kusoo gaba-gabaysay qisadii naxdinta lahayd.
MAQAL JACL IYO SODIYARINTII '' AHMED MUSA

Waa Maxay jacayl Mase loo Dhintaa, yaase U Dhintay Waa Maxay Calaamadihiisu???!!!!

Waa Maxay
jacayl Mase loo Dhintaa, yaase U Dhintay Waa Maxay
Calaamadihiisu???!!!!

Jacaylku waa shay qaali ah kaas oo ku lamaansan
jiritaanka Nolosheena, jacaylku anagaa u baahan asaga Nooma Baahna
Jacaylka erayga la dhoho asal ahaan Ahaan bal aan fiirino erayada uu
ka soo jeedo iyo saamaynta uu ku leeyahay nolosha aadamiga iyo waxa
laga soo gaabiyay L (lack of pleasure) O (ocean of sad) V
(vellay of deeth) E (end the live) Hadaba erayadaas waxaa laga
soo gaabiyay kalmada inglish ka ah oo Micneheedu yahya jacayl lagana
soo gaabiyay erayadaas oo Micnohoodu yahay farax la,aan, bada
murugada, Dooxada Quruntay, Dhamaadka nolosha isla markaana waad
dareemi kartaa Saamaynta uu ku leeyahay nolosha bilaw - aadanka
hadaba kalmada love oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka
Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo gaabiyay kalmada jacayl J
(jawhar) A (amakaag) C (calaacal) A (anfariir) Y (yaab)
L (luul) Hadaba akhriste waad aragtaa qiimaha uu leeyahay
jacaylku marba Haduu yahay jawhar marna waad aragtaa
dhibaatooyinkiisa marba Haduu yahay amakaag, calaacal. yaab, iyo
luul akhrista hada ka Hor ayaa la is weydiiyay waxa uu yahay jacayl
waxaana ka Jawaabay fanaan oo yiri WAA MAXAY JACAYL??? waa macaan
Ama waa qaraar hadba waa siduu kuu soo maree marka jacaylha Waa run
hadba waa siduu kuu soo maro qofka mar waxaa laga Yaabaa In laga
waraabinayo labo dhan taas macnaheedu waxaa Weeye Labada qofba ay
wada dareemaan jacaylka markaas waa Macaan marka uu qaraarka
noqonayana waxaa weeye marka laga Waraabinayo hal dhinac ha ahaado
dhanka ninka ama haweenta Jacaylka waxa uu leeyahay Aabe, Hooyo,
Walal, Dad uu jecelyahay, Dad uu necebyahay, Waxyaabo ay wada
socdaan, Meel uu Kayimaado, Meel uu dago , Waxyaabo uu Jecelyahay,
Waxyaabo uu Necebyahay, bal hadaba aan eegno Waxyaabahaan soo
sheegnay Sida ay suura gal u yihiin Aabihiis -Nasiib Hooyadiis
-calaf Walaalihiis -dadaal Dad uu jecelyahay - Ruuxa daacada ah Dad
uu necebyahay - ruuxa aan daacada ahayn Waxyaabo ay wada socdaan
-dookha Meel uu kayimaado - Dareen uu qofku wax dareemo Meel uu dago
- qalbiga Waxay wada socdaan -- Dookha Hadaba jacaylaka haduu yahay
saas miyuusan la mid ahayn ruuxa Insaankaa oo kale??? Jawaabtu waa
haah waayo intaasba bilaw Aadanka waa
leeyahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Dhanka luuqada carabiga ayana
waxaa jira erayo kuwaas la mid ah oo laga soo gaabiyay erayga
carabiga ah ee (cishqi) bal aan asagana eegno waxa laga soo gaabiyay
iyo saamayntiisa C -caniifa SH - shamsi Q I qadiim Hadaba waad
aragtaa erayadaas siday ay ugu base garaysan yihiin Xaqiiqda
macnahoodoo ah, caniifa,adag, shamsi, qorax, qadiim, soJacaylku
waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku Kulanaa nolosha,
jacaylkU asagaa Nooma baahna ee anagaa Ubaahan, Jacaylka waa wax
soo jireen ah ilaa iyo abuurkii xaawo Iyo aadan, Jacaylka kamaan
maarano asagana Nagama maarmo Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa
qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga
waraabiyo labada Dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas
oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw
iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa
kamid ahaao Jireen ah Laylo Qays Cilmi Hodan Juuliya romi Grendiano Iyo
waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi
karin hadaba mucaashqiintaas geeriyootay waxaa hadaladoodii ka mid
ahaa JUULI - ( do you keep aware that i abamdone eating, sleeping,
relaxing, for sake of your Adore) ROOMI - ( my love for you has grown deeper
and deeper) (my love for you is like ashadow wich never leaves it,s owner
CILMI -Aniguba qadraan soo arkiyo qaararkii hodane in aan Eebahay
idin qaribin qariya laabtiina anigoon xabaal la igu hamsiin Waanan
ka harayne haday hawl yaraan idin latahay aniga waa Hooge,
maqaalkaan kumaan soo koobi karo hadaladoodii ugu

WAXAA QRY /<AHMED
MUSE</

!!Wiil dhibato xoogan kala kulmay gabadhii uu ifka ugu jeclaa “Alla qofka aad jaceshahay oo aan ku rabin xanuun badnaa!!!

!!Wiil dhibato xoogan kala kulmay gabadhii uu ifka ugu jeclaa 
“Alla qofka aad jaceshahay oo aan ku rabin xanuun badnaa!!!
Waxaa dareemay galkaceyl aan u qaaday Fahmo, balse iyadu ima aysan ogeyn, waa
gabar walaashey ah, misana aanu qaraabo hoose nahay, kaaga daranoo iima oga
inaan jaceyl u qaaday, “Alla sideen wax ugu sheegaa”, waxaa dhacday inaan iska
raadiyo tabar aan wax ugu sirbeebi karo Fahmo, waxaan soo qaatay baqshad,
deetana waxaa ku qoray ereyadaan “Asc wr wb, ugu horeyn abaayo iga hano salaan
diiran oo kasoo go’day qeybaha kala duwan ee jirkeyga, salaan kadib Fahmooy
waxaa tahay qofta kaliya ee aan maanta ku kalsoonahay, wax walbana aan u sheegan
karo, waxaa jirta gabar aan si’xad dhaaf ah u jeclahay, mana u sheegan karo
jaceyl aan u qabo, daruufo jira awadeed, marka waxaan kaaga baahanahay inaad i
siiso garab balaaran oo aan ku heli karo jaceylkeyga”.
Nasiib wanaag Fahmo ayaa durba waxay i soo dirtay jawaab muhiim ah, oo aan ku
qanco waxayna igu tiri “Aboowe macaan, waaan ka xumahay waxa kuugu dhacay,
runtii wax walba oo aad iga baahato oo garab ah, misana aad ku heli karto
jaceylkaaga, diyaar baan kula ahay,waxaan ku dhihi lahaa soo bandhigo
jaceylkaaga, haddii aad qarsato ogow, wixii aad qarsato wey ku qarsadaan” aah
aah aah, intaas markaan maqlay waxaa iga soo fuqday neef weyn, balse “Allow
nimaan waxba ogeyn ha cadaabin” maxaa yeelay Fahmo waxay u maleysaa inaan
jeclahay gabar kale, balse xaqiiqdu waxaa weeye inaanan u jajabanay iyada.
Mar kale ayaa waxaa isku diyaariyay inaan Fahmo u qoro dhambaal dheer, oo aan
ugu sheeganaayo inaan jeclahay, maadaama ay iyadu igula talisay inaanan qarsan
jaceylkeyga.
Waxaana warqadda ku qoray “Abaayo marka hore iga raali noqo, wey aheyd inaan
mar hore ku sheego qofta aan jeclahay, teeda kale talada aad i soo siisay,
xaqiiqdii waa midii aan kaa sugaayay, kaana filaayay, hadase waxaa la-gaaray
xilligii uu curan lahaa inaan ku sheego jaceylka xargaha goostay ee i haaya,
qoftii ugu horeysay oo aan jaceyl u qaado, qoftii aan ilaashan jiray
yaraanteyda, qoftii aan daneyn jiray, runtii Fahmo qofta aan jeclahay qof kale
maaha, ee waa adiga oo Fahmo ah, waan dareemi karaa inay kuugu noqon doonto
layaab ama filan-waa, balse maanta waxaan ku faraxsanahay inaan sheegto jaceylka
i haaya, misana aan u sheegto qofta aan jeclahay, ogow Fahmooy waxa kaliya ee
aan dhooraayo waa jawaabtada”
Maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa meesha ka baxday, xiriirkii inaga
dhaxeeyay aniga iyo Fahmo, sidoo kale dhambaalkii aan u diray Fahmo ayaa wuxuu
ku noqday, filan-waa, iyadoo u qaadan weyday, wax jawaab ahna meysan iga soo
siin.
Xilligaas Fahmo waxay la socotay wiil kale, waxayna ka tagtay gudaha dalka
Soomaaliya, iyadoo aaday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxayna badalatay
teleefankii aan kala xiriiri jiray, iyadoo aanan dib dambe ii soo raadin.
Muddo kadib ayaa waxaa soo aaday dalka Kenya, muddo markaan joogay ayaa waxaa
maalin maal-maha kamid ah dhacday, anigoo saaran bas inay soo raacday Fahmo oo
xiran ama sidata Indho Shareer “Niqaam”, hase ahaatee inay Fahmo tahay maanan
dareemin, maxaa yeelay boqolaal baa sidata Indho Shareer, dareenkeygana muusan
ku taagneyn inay bas-ka soo raaci doonto Fahmo.
Nasiib wanaag waxaan gartay inay Fahmo tahay gabadha Indho Shareerka wadata,
maxaa yeelay waxaan maqlay iyadoo la-hadleysa kirishbowgii ama daba-kafuulkii
gaariga oo lacagta ka qaadaayaa, hase yeeshee maanan dareensiin inaan gartay.
kala soco
qiso@jaceel