qisojaceel

Image

Image
m

Friday, October 29, 2010

cilmi Boodhari

cilmi Boodhari
Saxabiyaal waan idiin salaamay meel kasta oo aad aduunka kaga nooshiin, wax
aan halkaan idiinku soo gudbineynaa Qiso xusid mudan oo Jacayl ah taas oo ah
Qisadii Abwaankii Jacaylka Ee Cilmi Boodhari.
iyadoo aan u qeybinnay Cutubyo badan soona koobnay Nuxurka Qisada layaa bka
leh ee Cilmi iyo Hodan
Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyne
yey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille
Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan
Markay socodka damacdee
Deggenida tallaabada
Miisaanka lagu daray
Laafyaha la daawado
Dadku waxay yiraahdaan:
“May daarin ciiddee
Indho deeraleeyey!“
Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay
qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay
midabkeeda oo aad dahabi moodeysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda
wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaagsan“. Islamarkaasna wuu
caashaqay
Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari . „Culays wuu i saaran yahay“ buu ku
yidhi saaxiibbadiis. Markuu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo
batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo
hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu
jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay
Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii
ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay

quraa sare ''ahmed musa''

No comments:

Post a Comment