qisojaceel

Image

Image
m

Thursday, October 28, 2010

!!Wiil dhibato xoogan kala kulmay gabadhii uu ifka ugu jeclaa “Alla qofka aad jaceshahay oo aan ku rabin xanuun badnaa!!!

!!Wiil dhibato xoogan kala kulmay gabadhii uu ifka ugu jeclaa 
“Alla qofka aad jaceshahay oo aan ku rabin xanuun badnaa!!!
Waxaa dareemay galkaceyl aan u qaaday Fahmo, balse iyadu ima aysan ogeyn, waa
gabar walaashey ah, misana aanu qaraabo hoose nahay, kaaga daranoo iima oga
inaan jaceyl u qaaday, “Alla sideen wax ugu sheegaa”, waxaa dhacday inaan iska
raadiyo tabar aan wax ugu sirbeebi karo Fahmo, waxaan soo qaatay baqshad,
deetana waxaa ku qoray ereyadaan “Asc wr wb, ugu horeyn abaayo iga hano salaan
diiran oo kasoo go’day qeybaha kala duwan ee jirkeyga, salaan kadib Fahmooy
waxaa tahay qofta kaliya ee aan maanta ku kalsoonahay, wax walbana aan u sheegan
karo, waxaa jirta gabar aan si’xad dhaaf ah u jeclahay, mana u sheegan karo
jaceyl aan u qabo, daruufo jira awadeed, marka waxaan kaaga baahanahay inaad i
siiso garab balaaran oo aan ku heli karo jaceylkeyga”.
Nasiib wanaag Fahmo ayaa durba waxay i soo dirtay jawaab muhiim ah, oo aan ku
qanco waxayna igu tiri “Aboowe macaan, waaan ka xumahay waxa kuugu dhacay,
runtii wax walba oo aad iga baahato oo garab ah, misana aad ku heli karto
jaceylkaaga, diyaar baan kula ahay,waxaan ku dhihi lahaa soo bandhigo
jaceylkaaga, haddii aad qarsato ogow, wixii aad qarsato wey ku qarsadaan” aah
aah aah, intaas markaan maqlay waxaa iga soo fuqday neef weyn, balse “Allow
nimaan waxba ogeyn ha cadaabin” maxaa yeelay Fahmo waxay u maleysaa inaan
jeclahay gabar kale, balse xaqiiqdu waxaa weeye inaanan u jajabanay iyada.
Mar kale ayaa waxaa isku diyaariyay inaan Fahmo u qoro dhambaal dheer, oo aan
ugu sheeganaayo inaan jeclahay, maadaama ay iyadu igula talisay inaanan qarsan
jaceylkeyga.
Waxaana warqadda ku qoray “Abaayo marka hore iga raali noqo, wey aheyd inaan
mar hore ku sheego qofta aan jeclahay, teeda kale talada aad i soo siisay,
xaqiiqdii waa midii aan kaa sugaayay, kaana filaayay, hadase waxaa la-gaaray
xilligii uu curan lahaa inaan ku sheego jaceylka xargaha goostay ee i haaya,
qoftii ugu horeysay oo aan jaceyl u qaado, qoftii aan ilaashan jiray
yaraanteyda, qoftii aan daneyn jiray, runtii Fahmo qofta aan jeclahay qof kale
maaha, ee waa adiga oo Fahmo ah, waan dareemi karaa inay kuugu noqon doonto
layaab ama filan-waa, balse maanta waxaan ku faraxsanahay inaan sheegto jaceylka
i haaya, misana aan u sheegto qofta aan jeclahay, ogow Fahmooy waxa kaliya ee
aan dhooraayo waa jawaabtada”
Maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa meesha ka baxday, xiriirkii inaga
dhaxeeyay aniga iyo Fahmo, sidoo kale dhambaalkii aan u diray Fahmo ayaa wuxuu
ku noqday, filan-waa, iyadoo u qaadan weyday, wax jawaab ahna meysan iga soo
siin.
Xilligaas Fahmo waxay la socotay wiil kale, waxayna ka tagtay gudaha dalka
Soomaaliya, iyadoo aaday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxayna badalatay
teleefankii aan kala xiriiri jiray, iyadoo aanan dib dambe ii soo raadin.
Muddo kadib ayaa waxaa soo aaday dalka Kenya, muddo markaan joogay ayaa waxaa
maalin maal-maha kamid ah dhacday, anigoo saaran bas inay soo raacday Fahmo oo
xiran ama sidata Indho Shareer “Niqaam”, hase ahaatee inay Fahmo tahay maanan
dareemin, maxaa yeelay boqolaal baa sidata Indho Shareer, dareenkeygana muusan
ku taagneyn inay bas-ka soo raaci doonto Fahmo.
Nasiib wanaag waxaan gartay inay Fahmo tahay gabadha Indho Shareerka wadata,
maxaa yeelay waxaan maqlay iyadoo la-hadleysa kirishbowgii ama daba-kafuulkii
gaariga oo lacagta ka qaadaayaa, hase yeeshee maanan dareensiin inaan gartay.
kala soco
qiso@jaceel

No comments:

Post a Comment