qisojaceel

Image

Image
m

Sunday, October 31, 2010

qurux abaheeday

qurux abaheeday

Suleeqadaan jeclaayeey Samsam seedaheeygiyo sadriga iyo laabtaad sidii sadar ku taalaa socodkiyo tallaabada sanqaroorka dheeree Saaddir kugu maneystiyo simaha timaha joogaan dabeyluhuna seexshaan saanqaadka laafyaha iyo midabka soolka ah xubnahaaga simmanee Samsam meelna laga dhimin waa sharaf sammaawi ah oon salguurin waligeed siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.
Subax waa-baryaayiyo suud lagu ildoogsada sadar qaansaroobaad saymaha cadceeddiyo sagal lagu misaalyeey sabankii la joogaba sammo iyo quluub-furan farxad kugu salaamaa sabi yaad u qaaddaa sawjadiisa noqotaa saqdidhexe habeenkii sariir kugula seexdoo Simman kugu yiraahdaa saacaddii la joogaba suuraddaada daawadoo Samsam kula caweeyaa siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.
Sammirkiyo dulqaadkiyo asluub saa'id iyo sharaf Ilaah baa ku siiyoo sinji baad u leedahay waxaad iila simmantahay ood wali ka sidataa suudda-ubaxa-geedaha saxansaxa udgoon iyo waqal-seermaweyda ah, soddon magac u qalantooy saafi iyo xariireey gabadhaha sanadkan soo kacay Suulidaan ka doortaay jacayl sarakacaayaan laabta kuugu sidayaa cishqigina sidii dhaaf siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sameeyoo qurux kula sitaan jirin.
Sanca iyo Ameerkiyo Soomaali guudkeed Suudaan oon ku noolahay saxaraha galbeed iyo dhulkaloon sifeyn karin sahan dumar u aadoo bari ugu socdaaltagay mana saarin caymaha mid quroo sawracaaga ah ma sifraama calafkoo wuxuu Saaddir noo qoray marna seegi meynee sidaa uurka galiyoo ciidda sammo ku sii joog anna waan sabaalini naftaan sii sasabayaa siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.
Samsammeey kalgacalkii jacaylkaagi simmaneey igu noqoy sun iyo waran qalbigeeygaad surantahay daraaddaa ma seexdoo hurdada waan ka salalaa haddii ay sad iyo calaf Samsam inaga hiishaan sabi inaan wadaagnana suuroobi weeydaa sammo iyo wanaag baan huunno kugu sagootiyay hambalyiyo salaan iyo Siraad aayo nolol wacan dusha kuu suraayaa siduu Eebba kuu dhigay hablo loo sammeeyoo qurux kula sitaan jirin.



ed:by _king love

No comments:

Post a Comment