qisojaceel

Image

Image
m

Thursday, October 28, 2010

''jacayl qurbo kugu galay qalalaasihiisu badanaa''

''jacayl qurbo kugu galay qalalaasihiisu
badanaa''
Jaceylka ayaa waxa uu noqday mid ka mid ah tiirarka ay
ku taagantahay dunidu.hadana waxa uu leeyahay caqabado aan halkaan lagu soo
koobi Karin. Haba ugu darnaatee midka qurbaha kugu saameeya ama kaa
helaMar ay waresiyo kala duwan kasoo qaaday
bahda dhambaalka jaceylka dadweyne badan oo ka mid ah da’yarta iyo dhalinta
magaalada ayaa waxay isku si uga wada hadleen arinka jaceylka qurbaha laakiin
labadii qiso ee iigu yaabka badnaayd oo sida aadka ah an ula yaabay ayaa waxay
ay kala ahaayeen {nin ay hawadu caqabad ku noqotay taas uu qarka ufuulay in uu
jaceylkiisii waayo iyo nin xaaskiisi oo uur ninka kale uleh ugu tagay
UK!!!!!Mid ka mid ah ayaa waxa uu u war
bixiyay sida tan (habeen habeenada ilaahey ka mid ayaa waxaan damcay in aan
waco xaaskeyga oo joogtay wadanka
new
Zealand nasiib daro habeenkaas ma’aanan helin
balse habeenkaas wax dhib ah uma aanan arag. Habeenkii labaad ayaan wacay sidii
si lamid ah leygama qaban, shaki ayaa igalay waayo qoftaan waxaa jiray xili aan
wici jiray markaasna ay iga qaban jirtay yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaab! Alla in aduunya
joogow maxaa aragti kuu laaban! Aniga oo su’aalo fara badan iska weydiinaaya
waxa ku dhici Kara ifraax jawaabata aan ka helaayay maskaxdeyda haba ugu
badnaatee {war miyey ku nacday ifraax} yaaba aheyd oo in badan maskaxdeyda kusoo
noqnoqotay.Waxaan si hal haleen ah uwacay
shaadiyo oo aheyd gabadh ay guri kuwada noolaayeen oo aan islahaa xoogaa
faahfaahin ah ayaad ka helaysaa. Shaadiyo waxa ay iga qabatay telkii waxa ayna
ii sheegtay in ifraax ay fiicaneyd walibana aysan wax shaqo ah aysan laheyn
maalmahaan ayadna aysan xaafada haatan joogin balse ay hada waceyso oo ay ku
Oran doonto
telka qabo Markaas ayaan hadaana ku celiyay
arinku meeshiisii hore ayuu sii cuskaday yaab waxaan ku celiyay gabadhii oo ii
sheegtay in aan soo wacaayo sheet! Sheet! Habeenkaas ayada oo aan
neerfoose ahay ayaan ka baxay goobtii. Oo xitaa aan isleeyahay armada tagi
weydaa guriga saan u wareersanahay awgeed.Habeenkii sedaxaad ayaan wacay hadana balse waxaa
halkoodii kasii socday guuldarooyinkii jaceylkeyga laakiin habeenkaas go’aan
ayaan gaaray kaas oo ahaay in aan dib danbe aanan u wicin ilaa ay iga soo
waceyso laakiin go’aankaas ma aheyn mid xageyga ka hir galay ileen horay ayaa
loo yidhi {ruuxaad jaleecdoo ubeerjileecday jinni kaama celiyee} habeenkii
afaraad ayaan iska xaadiriyay goobtii taleefanada oo ku yidhi ii wac
newzealand.Nasiib wanaag habeenkaas waxaa
soo afjarmay guuldarooyinkii jacelkeyga waxaana iga qabtay jaceylkeygii aan
codkeeda aqaano hadana maskaxdeydii ayaa dib su’aal isu weydiisay su’aasaas oo
ahayd {war heedhe taleefanka miyaad qaladay mise qoftu waa ifraax} laakiin taa
waxaa ka jawaabay ifraax oo tidhi haye jaceylkeyga ii waran kolkaas ayaa waxaa
iga soo fuqoy oof igu taagneyd Isku soo
wada xoori dalnuurshe waxa uu ku siktay in uu jaceylkiisa waayo taas waxaa ugu
wacneyda kala fogaanshaha waayo hadii ay dal wada joogaan ama dalkii hooyo xitaa
haday xumeyso xitaa lugihiisa ayuu ugu tagi lahaa jaceylkiisa Hamoogaan hana seegin qeybteedii labaad sheekadaan
lamagac baxday jaceyl qurbo kugu galay garibaadiisu badanaa waxaadna ka heli
kartaa wargeysaka dhambaal (qisojaceel.som)
by''ahmed.musa

No comments:

Post a Comment