qisojaceel

Image

Image
m

Sunday, October 31, 2010

muxubo iyo kal gacal


muxubo iyo kal gacal
Sidii madharka roobaad ama biyaha maagaad maankeyga deeqdoo manqaxiyo masruurkaan Milgooy kugu jeclaadee, mooshinkaan higsanayiyo mataantii jacaylkaay Milgooy midab suhuurleey muuqa roobladhaca iyo shamso lagu misaalyeey, waxaa tahay qof madani ohoo cishqigana matali kara masdarkaaga oo quraan malaayuunna loo hurin waxaa tahay mid iga mudan muxubbiyo kalgacal badan.
Waxaad igaga mudantahay maskaxdiyo halbowlahoo waxaan kugu misaalaa Milgooy sidii mahiigaan mayay loo hanweynaa mirtidhexe-habeennimo maansheeyay dunidoo sii daayay maaxdii ama sidii man iyo ubax magool iyo dhir dooggeed, naftan kuu maqsuuddaan Milgooy maalin iyo leyl maaweelinaayaa mixnaddii jacaylkiyo mushkilaadka caashaqaa haddana murugo igu fura, waxaa tahay mid iga mudan muxubbiyo kalgacal badan.
Magacaaga waa luul mareer karay la moodyeey sharaf lagu magoogyeey marna kuma illaawinoo maskan-kaad ku nooshahey ishu milicsaneeysaa sidii xarafka miinkaad maanka igaga qorantahay mahadhadiisa caashaqa Milgooy kuguma dhaafeen, adoo miyirka iga jecel inaan meela kala taga malaheygu ma aheyn balse waa marxalad qoran, marbey mucurti naga hari miiraalaha jacaylkana mirihii ka soo baxaan wada muudsan doonnaa macaaneey Insha'allaah marwadeydi baad noqon waad micigalooleyn waxaa tahay mid iga mudan muxubbiyo kalgacal badan
fikradii :(ahmed muse)

No comments:

Post a Comment