qisojaceel

Image

Image
m

Thursday, October 28, 2010

Ruuxii aad ifka ugu jacleed haddii uu ku kala dhan-taallo maxaad ku sameyn laheyd (Qiso Xanuun Badan)

Ruuxii aad ifka ugu jacleyd haddii uu ku kala dhan-taallo 
maxaad ku sameyn laheyd (Qiso Xanuun Badan)
xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha
barnaamijka xiisaha badan ee Isha
Dhacdooyinka Caalamka,
 wuxuuna uu inooga waramay sidii ay
wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Yaaqshiid, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay Iskuulka Al Fajri, xilligii aan dhameeyay dugsiga sare ayaa waxaa bilaabay machadka Simad, intii aan Simad dhiganaayay ayaa waxaan ku bartay gabdho fara-badan oo ay kamid ahayd Xaliima.
Qiimeen balaaran ayaa waxaan ku sameeyay gabdhihii xilligii dhigaanayay Simad bartay, hase ahaatee dhan kasta waxaa qof wanaagsan ila noqotay Xaliima, anna waxaan gar-waaqsaday inaan gacanta ku dhigo, bacdamaa aan u bogay, deetana waxaa inoo surta gashay inaan si wanaagsan isku dhex-galno, waxaana aallaaba aanu ka wada sheekeysan jirnay teleefanadii xilligaa guryaha inoogu jiray.
Xaliima waxaanu isla soo qaaday waqti aad moodda in naloogu talla galay, waxaana xilli kasta magaaladda Muqdisho ku joogay dareen farxadeed, bacdamaa ay ku nooleed qalanjadii naftayda, waxayna Xaliima ahayd gabar si weyn ii jaceyl, isla-markaana waxba maanan kala qarsan jirin.
Wiil ila dhashay oo joogay dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu igu baaqay in aan imaado dalka Koonfur Afrika, si aan ula shaqeeyo, anigoo taasi ka caga jiidaayo ayaa waxaan u sheegay gacalisadayda Xaliima, waxayna igu baaqday in aan qaato hadalka uu igu baaqaayo walaalkay, anna sidii ayaan yeelay.
Dalka Koonfur Afrika markaan imaaday ayaa waxaa bilaabay shaqo culus, waxaana kasbay hanti maaleed, intii aan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika waanu iska warqabnay Xaliima oo ahayd gabadhii ay dooneysay nafsadayda.
Xaliima ayaa waxay iga codsatay in aan kasoo kaxeeyo magaaladda Muqdisho, iyadoo iga codsatay in aan keeno dalka aan ku noolahay oo ah Koonfur Afrika, hase ahaatee anna waa ka ogolaaday oo qarashkii aan ku keenay ayaa wuxuu gaaraayay afar kun oo dollar (4,000 Us dollars).
Nasiib wanaag Xaliima waxay soo gaartay dalkii aan ku noolaa, waxaana geeyay goob ganacsi aan shirko ku hayn wiil aanu saxibo ahayn, hase ahaatee xilli gaaban kadib ayaa waxaa arkay Xaliima iyo wiilkii oo ay iskugu baxeyso, intaan shaki ka qaaday ayaa waxaan wiilkii ku iri, dukaanka inoo gad, si aan lacagta u kala qeybsano, waxaasoo dhan waxaan u sameynaayaa oo kaliya inaan kala geeyo, waayo aad baan u jeclaa xaliima, ileen ruux kasta waa uu dareema karaa tanoo kale.
Waxaan sameystay xaruun kale oo ganacsi, hase ahaatee Alle wuxuu qadaray in leega dhaco, wixii hanti aan tabcanaayay ayaa waxay noqdeen wax leega boobay ama leega dhacay, iyadoo ay xaaladdu igu xun tahay ayaa waxaa Xaliima ugu baaqay inaan isguursano, iyadoo si aan wanaagsaneen igu dhahay, waanu isguursaneynaa balse gacaliye maxad inoo heysaa, waxaan u sheegay inaanan waxba haysan, balse aan doonaayo in aan iyadu guursado.
Wada-hadal kadib ayaa waxay ii sheegtay in aysan marnaba i dooneen, bacdamaa aan waxba haysan, iyadoo ii sheegtay in ay raaci doonto wiilkii aan horey uga shakiyay, kaasoo ay wax isla wadaan.
Si kasta oo aan ula hadlo Xaliima ayaa waxay ii sheegtay in aysan waxba ii qaban karin, hadaba xaaladda waa ay igu cakiran tahay, gabadhii aan intaasoo sano kusoo tacab iyo tiir beelay ayaa sidaasi igu jawaabtay
(ahmed'musa)

No comments:

Post a Comment