qisojaceel

Image

Image
m

Thursday, October 28, 2010

Gabar Soomaaliyeed oo la il-daran Jaceyl naxdin leh. (Alla dadka qaarkiis Calool adkaa!!!!!) Qiso jacel::

Gabar Soomaaliyeed oo la il-daran Jaceyl naxdin leh.  
(Alla dadka qaarkiis Calool adkaa!!!!!)
( Qiso jacel::)
Gabadhan oo magaceeda kusoo gaabisay Xafsa ayaa LA SO xiriirtay Barnaamijka xiisaha badan ee Qisooyinka Jaceylka ee shabakkadda warbaahinta caalamiga ah ee qiso jacel, waxeyna inooga warrantay sida ay wax u dheceen iyadoo ku bilaawday sidatan:
Magacaygu waa Xafsa waxaan ku dhashay magaalo xeebeedka Marka Caddey sanadku markuu ahaa 1991-kii, waxaanna kusoo bar-baaray isla magaaladaasi.
waalidkaygu ima aysan geeynin goob wax-barasho haddii ay ahaan lahayd mid lagu barto Qur’aanka Kariimka ama xattaa qaybaha kale ee cilmiga, waxaanna ahaan jiray gabar aan inta badan loo oggolayn in ay guriga ka baxdo iyadoo mar-kasta la iisheegi jiray in gabdhaha oo dhan aysan guryaha ka bixin, ma garanay sababta keentay in aan noqdo xabsi guri laakiin markaa waan ku faraxsanaa nolosha oo waxaanba u haystay in gabdhaha oo dhan ay wada qabaan arrinkan.
Markii aan soo weynaaday ayaa waxaa isoo dalbatay Habaryartey oo degganayd magaalada Muqdisho oo iyadu aan dhalin wax gabar ah isla-markaana u baahnayd xoogayga, waxaana la ii waday dhanka Muqdisho anigoo markaa helay xorriyaddii iigu horreysay, waxaanna aad u jeclaystay nolosha magaalada Muqdisho maadaama ay tahay meeshii iigu horreysay oo aan ku ogaaday in gabdhuhu ay bannaanka u bixi karaan, wax baran karaan, isla-markaana ay la macaamili karaan ciddii ay doonaan.
Markii aan muddo sanad ku dhawaad ah joogay magaalada Muqdisho ayaa waxaan is barannay wiil lagu magacaabo Cali oo runtii ahaa mid naftayda soo jiitay markaa, anigoo u qaaday jaceyl xad dhaaf ah laakiin nasiib darro Cali ima uusan ogayn in aan jeclahay aniguna waxba waan u sheegan kari waayay mana jirin cid aan ka kaashan karay oo arrinkan wax igala qaban kartay, waxaanna mar-kasta la sameyn jiray xriirro kala duwan anigoo habeen kasta ka wici jiray Tel-ka guriga si aan mar un uga helo wax xal u noqon kara arrinkaygan cagaha dhiiqada lasii galaya laakiin nasiib darro ima uusan fahmin, waxaana marba marka ay ka dambayso sii adkaanayay jaceylka i kaliyaystay ee aafeeyay naftayda.
Markii dambe waan is celin kari waayay waxaanna ku dhiirraday in aan u sheegto jaceylkan aan la liito ee iga jaray gama’a iyo gumaadka (quudka) intaba balse nasiib darro kama aanan helin jawaab igu habboon marka la eego marxaladdii aan markaa ku sugnaa, wuxuuna iigu jawaabay erayo naxdin leh oo wali qalbigayga aan ka bixin. oohin……….oohin………ooyin.
Wax badan ayaan waqti ku bixiyay waxaana ii dhadhami waysay nolosha oo dhan, iskaba daa’ in aan qof kale damco ee xataa ma u haysan in nin kale adduunyada jiro, maxaa-yeelay qalbigayga iyo xubin kasta oo jirkayga kamid ah waxey gabtay adeeggii loogu tala galay, waxaana mar kale lama filaan igu noqotay anigoo xaalkaygu halkaa marayo markii uu Cali guursaday gabar kale oo uu si dhab ah iigu xumeeyay. Waxaan filayaa qof kasta oo jaceyl wax ka taqaan ama xataa uu mar soo maray in aysan la-yaab ku noqonayn qisadan laakiin dadka qaarkiis haddii ay qalad ii fahmaan ha iga raalli noqdaan.
Cali iskuma aysan waarin gabadhii uu guursaday waxeyna ku kala tageen muddo kooban anigana wali igama uusan bixin jaceylkii aan ku dhibtooday oo wali waan dareemayaa, Cali dhankiisana kama hayo wax yididiilo ah ama i dhiirri-gelin kara oo waa nin aad u go’aan adag naftayduna way diidday meel kale, hadda-na aniga iyo Cali waxaan ku wada sugannahay magaalada Muqdisho, waxaanna ugu dambayntii ka codsanayaa dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee warkaygu gaadho in ay si naxariis leh iigu biiriyaan fikirkooda si aan u helo xal wax ku ool ah oo naftaydu ku qanacdo.
Xafso oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa intaa kusoo gaba-gabaysay qisadii naxdinta lahayd.
MAQAL JACL IYO SODIYARINTII '' AHMED MUSA

No comments:

Post a Comment