qisojaceel

Image

Image
m

Friday, October 29, 2010

Dhanbaal jaceyl'(qisojaceel)

 Dhanbaal jaceyl'(qisojaceel)
Maansadaan dha’leydaa haddaan qalin ku dheereeyo
balli baan dhextaag nahay murti uma dhibtoonaayo
dhabi hiisaan ku hagayaa dhinac anoon seegin
ka dhirqo maantiyo bariba waa la dhurayaaye
balaan dheeman teeydii u diro gabaygu waa dhaare

ma ogtahay dhanbaal jaceyl dhaxal gal weeyaane
dhabtiyo wuu kaaga turjumi dhiiga socod kiisa
adna jeeraad soo dhawaato farxadi weyga dheertahaye
hawada dhexdeeniyo iga gudoon salaan araxda soo dhaaftey

caashaquna kalsooni kuma dhammiyo dhiiri gelin toona
ha yeeshee marbuu dheeliya aqalkaan dhigaha loo aasin
adna Dhooleey fogaatayoo xaalku wuu dhanaan yahaye
axdigii ma dhowrtoo matahay taan u dhimanaayey?

dhuuxoo dhaqsi uga jawaab waan dhibtoo nahaye
aley lehe dhirbaaxada jaceyl waan la dheygagaye
dhararti aad dhofta dhinbilo leyla dhacay fiidki
saqdii dhexe sidii dhalan wanigii dhelalow kacaye
kama bogto dhuunigoo biyihi waanka dhowr sadaye
dhabihii aad qaadan inanyahey sii dhugtaa waliye

dheeraa bishan waxaan u dhigo sooba dhufan waaye
cashara daadan iga dhaqmeyn dhimasho mooyane
xusuus tadana kama dhowr sado waandhex tagnahaye
hayga dheeran markale yaan wadnuhu isoo dhicine
cidlo haygu dhafine qalbiga ii dhawee manta.


(qiso jaceel) (ahmed'musa)

No comments:

Post a Comment